Baydhabo(WMN)_Guddomiye Kuxigeenka koowaad ee Baarlamanka Koonfur Galbeed Soomaaliya oo maanta si rasmi ah usoo xirey Tababar Muddo Seddax Maalin ah Baydhabo ugu socdey Guddiyada Xuquuqul Insaanka Barlamanada Hiirshabeele Iyo Koonfur Galbeed .
Tababarkan oo Mudo Seddax Maalin ah Baydhabo uga socdey Gudiyada Xuquuqul insaanka Baarlamanada, Hiirshabelle iyo Koonfur Galbeed ,kaasi oo lagu baraneyey ka hortaga had gudubyada ka dhanka ah xuquuquda Adanaha,
Maanta ayaa si rasmi ah usoo xirey Guddoomiye kuxigeenka Baarlamanka Koonfur Galbeed Soomaaliya ,waxana Masha tababarka lagu soo xirey goob joog ka ahaa Guddoomiye kuxigeenka Labaad ee Baarlamanka KGS iyo Mas,uliyiin kale.
Intii lagu Guda jirey Xiritaanka tababarka ayaa waxaa halkaasi ka Hadley qaar ka mid ah Xildhibanadii ka socdey Guddiyada Hiirshabeele ,Koonfur Galbeed Iyo Baarlamanka Soomaaliya oo ka Hadley waxyaabihii ay ka faa’ideysteen mudadii Tababarkan uu socodey.
Maxamed nuur Macalin Maxamed Guddoomiye Kuxigeenka Koowad ee Baarlamanka koonfur Galbeed Soomaaliya ayaa geba gabdii si rasmi ah Usoo xirey Tababarkan oo lagu baranaayay ka hortaga hadgudubyada Xuquuqul adanaha .
Halka Hoose Kadaawo Sawirada: