Wararka naga soo gaaraya magaalada Beledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan, ayaa waxa ay ku soo waramayeen in dadka shacabka ah ay wajahayaan xaalado adag.
Shacabka magaalada Beledweyne ayaa wajahaya xaalado iyo duruufo adag oo dhanka nolosha, taas oo ay sabab u tahay fatahaadihii ka dhacay magaaladaasi.
Magaalada Beledweyene ayaa maalmahaan waxa ay u muuqatay mid ka soo kabanaysa, saameynta uu u gaystay webiga Shabeelle oo ku fatahay xaafadaha magaaladaasi iyoo roobabkii ka daโay oo isbiirsaday.
Maalmahan ayaa sidoo kale waxaa la arkayay iyadoo ay magaalada dib ugu soo laabanayaan dadkii shacabka ahaa, ee markii hore ka barakacay guryahoodii kadib markii ay saameeyeen fatahaadaha.
Balse waxaa lagu soo waramayaan in dadkaasi ay u baahan yihiin in ay helaan, gurmad maadaama ay xaaladahoodii nololeed ay wax iska bedeleen, oo ay saameeyaan hantidoodii iyo guryahoodii fatahaaddihii ku dhuftay magaalada Beledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan.