Ciidaamda Booliska Somaliland ayaa maanta albaabada isugu laabay Xarunta Telefishinka Universal ee Magaalada Hargeysa, iyagoona la wareegay.
Ciidamada Booliska ayaa duhurnimadii maanta xafiiska ka dareeriyay Shaqaalaha TV-ga. Ciidamada ayaa gudaha u soo galay xafiiska, shaqaalihii oo hawshooda ku guda jira.
Agaasimaha Xarunta Universaltv ee Magaalada Hargeysa, Maxamed Diiriye Meecaad ayaa sheegay in xarunta la xiray, iyadoo aysan jirin warqad maxkamadeed, oo loo keenay.
Agaasimaha oo ka xog waramay wixii maanta dhacay ayaa yiri “Anagoo ku jirno warkii abaare kowda iyo dheeraad ayaa waxaa noo yimid Ciidamada Somaliland, oo runtii iyagoo aan waxba noo sheegin, warqad maxkamadeedna oo ay wateen ayna tuseyna jirin ayay soo galeen xarunta, warkii bay joojiyeen. Shaqaalihii inta la uruuriyay ayaa dibadda la isugu keenay, waxaa nagala qaaday moobeelada, cabaar baa meel nalagu haayay.”
Meecaad oo la hadlay BBC ayaa yiri “Waxaan weydiiyay maxaa dhacay oo jira, ileen haddii meesha la xiraayo waxay ahayd inaad maxkamadda soo martaan, idinkoo sita warqadda maxkamadana noo timaadaan, waxay yiraahdeen waxaa na soo dirtay Wasaaradda Warfaafinta Somaliland, oo tiri ruqsaddii baa lagala noqday TV-ga. Laga bilaabana saacaddaa TV-ga wax shaqo ah ma qaban karo.”
Maalin ka hor ayay ahayd, markii Booliska Somaliland ay xoog kula wareegeen Xaruntii Dhexe Telefishinka Star ee Magaalada Hargeysa, iyadoo aanu maamulku sheegin sababta loo cuskaday xarigsa TV-gaasi.
June 2020
-
Madaxweynaha Hirshabeelle Maxamed Cabdi Waare ayaa boggaadiyay matalaadda Gobolka Banaadir ee Aqalka Sare oo maanta ay ansixiyeen Xildhibaannada Golaha Shacabka. Madaxweyne Waare waxaa uu cadeeyay in matalaadda iyo maqaamka ay…
-
WARARKII MAANTA
Sawiro: Ali Said Fiqi Oo Dhiira galiyey Boolis Ka Tirsan KG.
by ATEERA June 27, 2020Gudoomiyaha Baarlamanka Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya Amb. Dr. Ali Said Fiqi ayaa Maanta Ciidanka Booliska gaarka KG oo dhawaan Tababar loo soo xirey Ku booqdey xerada gaadiidka Booliska ee…
-
WARARKA MAANTA
MADAXWEYNE FARMAAJO OO UGU HAMBALYEEYAY DOWLADDA IYO SHACABKA JABUUTI 43-GUURADA KASOO WAREEGTAY XORNIMADA DALKAAS
by Admin June 27, 2020Muqdisho, Juun 27, 2020: Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullahi Farmaajo ayaa u diray dhiggiisa dalka Jabuuti Mudane Ismaaciil Cumar Geelle, dowladda iyo guud ahaan shacabka dalka aan walaalaha…
-
WARARKII MAANTA
Dhageyso: Warbixin Wiil dhalinyaro ah oo nolashiisa ku tiirsan Iibinta Cabitaanka.
by ATEERA June 27, 2020Wuxuu sheegey iibinta biyaha cabitaanka in uu kaga badbaadey fikirada qaldan tahriibka iyo in uu baagi muudo uu ku ahaado Magaalada Baydhabo asigoo hada uu leeyahay xaas iyo 2 caruur…
-
Hoos ka dhageyso Warka Galabnimo ee Idaacada Warsan oo aqrinayo Maxamed Cabdiraxman Cabdulle (Maleele)
-
WARARKA MAANTA
Madaxweynaha Puntland oo magacaabay Guddoomiyaha Gobolka Mudug
by Admin June 27, 2020Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Puntland Siciid Cabdullaahi Deni ayaa magacaabay guddoomiyaha cusub ee gobolka Mudug kadib markii Gudodomiyihii hore ee Gobolkaas qarax ismiidaamin ah lagu dilay bil ka hor. Wareegto ka…
-
WARARKA MAANTA
Aqriso khudbadii Xaliimo Yarey ee ka hor jeedisay Baarlamaanka oo dhameystiran
by Admin June 27, 2020Guddiga doorashooyinka Qaranka Xaliimo Ismaaciil Ibraahim ayaa soo jeedisay labo qaab oo ay sheegtay in ay doonayaan in ay u dhacdo doorashada Soomaaliya, labaddaasi qaab ayaa keenaya dhammaan dib u…
-
WARARKA MAANTA
Guddiga Doorashooyinka oo ku dhawaaqday in aysan Doorashadu waqtigeeda ku dhici karin
by Admin June 27, 2020Guddoomiyaha Guddiga madaxa banaan ee Doorashooyinka Qaranka Xaliimo Yareey ayaa Golaha Shacabka ka hor cadeysay in hirgalinta doorashada qof iyo codka ah aysan ku dhici karin xilligii loogu talagalay. Waxa…
-
WARARKA MAANTA
Madaxweyne Farmaajo oo uga mahadceliyey Goddoonka iyo Xildhibaanada Golaha Shacabka fulinta codsigiisii ku aaddanaa Matalaadda Siyaasadeed ee Gobolka Banaadir
by Admin June 27, 2020Muqdisho, Juun 27, 2020; Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa uga mahadceliyey Guddoonka iyo Xildhibaanada Golaha Shacabka Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya tixgelinta iyo fulinta codsiigii Madaxweyne ee ku…

