Dowladda Mareykanka ayaa war kasoo saartay Xadgudubyadda loo geysto Saxaafadda ku sugan degaanada mamulka Somaliland.
Safaaradda Maraykanka ee Muqdisho ayaa cambaaraysay xadgudubyada ka dhanka ah weriyayaasha iyo warbaahinta xorta ah ee Somaliland.
Safaaradda ayaa ugu baaqday hogaanka Somaliland inay xushmeeyaan isla markaana ay difaacaan xuquuqda xoriyadda hadalka.โSafaaradda Mareykanka waxay ku celcelinaysaa sida ay uga goโan tahay difaaca Saxaafadda. Waxaan cambaareyneynaa hanjabaadaha iyo xadgudubyada loo geysto suxufiyiinta iyo saxaafadda xorta ah ee Somaliland. Waxaan ugu baaqaynaa hoggaanka Somaliland inay ixtiraamaan, dhawraan oo ilaaliyaan xuquuqda xorriyadda hadalkaโ ayaa lagu yiri War kasoo baxay Safaaradda.