Maxkamada sare ee dalka Turkiga ayaa maanta dib ugu celisay dhismaha caanka ah ee Hagia Sophia ee magaalada Istanbul in uu noqdo masjid lagu cibaadeysto iyadoo dhismahaas uu haatan ahaa matxaf loo soo dalxiis tago.
Dhismaha Hagia Sophia ayaa sanadkii 1934 waxaa xukuumaidii ka jirtey dalka Turkiga u aqoonsatay inuu yahay matxaf loo soo dalxiis tago iyadoo xilligaa kahor dhismahan uu ahaa masjid ay dadka Muslimiinta ah ku cibaadeystaan.
“Waxaa la go’aamiyay in dhismahan uu yahay masjid lagu cibaadeysto wixii ka baxsan ee lagu sameeyana waa mid sharci darro ah.”ayaa lagu yiri qoraal ka soo baxay maxkamad sare oo ku taal dalka Turkiga.
“Maamulkii ka bedelay dhismaha inuu noqdo masjid sanadkii 1934kii kana dhigey meel loo soo dalxiis tago wax sharci ah ma keenin.”ayaa lagu yiri qoraalka ay soo saartay maxkamada.
Hagia Sophia waxaa markii ugu horeysay laga dhigay masjid sanadkii 1453kii markii ay Cismaaniyiintu qabsadeen Constantinople.
Hase yeeshee maamulkii cilmaaniga ahaa ee Mustafa Kemal Ataturk ayaa ka dhigey matxaf sanadkii 1934kii.