{WARSANRADIO}Deeq lacageed oo ay iska soo uruuruiyeen Culimada iyo Ganacsatada ku dhaqan Magaalada Nairobi ee Dalkla Kenya ayaa maanta waxaa raashin loogu qeybiyey Boqolaal qoys oo ku soo barakacay Magaalada Baardheere,kuwaasi oo markoodii hore ka kala yimid deegaano ka kala tirsan Gobolada Gedo,Bay iyo J/Dhexe,kuwaasi oo bilahii u dambeeyey ka cabanayey daruufo xaga nolosha ah.,iyagoona iminka ku sugan Xerada Xabaal cadeey eek u taala duleedka Bari ee Baardheere.
Deeqdan Raashineed eek a timid Ganacsatada iyo Culimada Nairobi ayaa waxaa la soo marsiiyey Hay,adda AL-RAhMA Foundation,waxuuna sugu jirey Bariis,Bur iyo Saliid,Dadka la siiyey deeqdan ayaa ka koobnaa kuwa ku barakacay Abaaraha,kuna xoolo belay iyo kuwa kale oo waxsoosaarkii Beeraha ay ku tiirsanaayeen ay ragaadiyeen Abaaraha,,waxaana goobtii lagu qeybinayey raashinka goob jog ka ahaa Maamulka degmada,Culimada degmada iyo Gudiga Gurmadka Abaaraha .
Cabdulaahi Nuur Xasan(Cadow) oo ah Gudoomiyaha degmada Baardheere ayaa warbaahinta u sheegay in gargaarkani raashineed ee loo qeybiyey Barakacayaasha uu yahay kii ugu badnaa ee la soo gaarsiiyo deegaanka,waxuuna ku amaanay Ganacsatada iyo Culimada Magaalada Nairobi sida ay jawaabta ugu bixiyeen Baaqi qeylo dhaanta ahaa ee la soo gaarsiiyey.
Waxuuna ugu baaqey Ganacsatada iyo Culimada soomaaliyeed ee degan gudaha iyo dibadaba in ay ka qeyb qaatan gurmadka bini,aadinimo eeloo fidiniyo dadka ku barakacay abaaraha ee la daala dhacaya gaajada iyo xanuunka shubanka.