Qof isku soo xiray waxyaabaha qarxa ayaa goor dhow gudaha u galay maqaayad ku dhow Dekeda Muqdisho, halkaasoo uu isku qarxiyay.
Maqaayada oo lagu magacaabo Luul Yemeni ayaa ka mid ah Maqaayadaha ugu caansan ee laga cunteeyo, iyadoo xilliga qadada ay aad u camiran tahay.
Wararka ayaa sheegaya in qofka isku soo xiray waxyaabaha qarxa uu isku qarxiyay dad maqaaxida ka qadeynayay.
Khasaare kala duwan ayaa la soo sheegayaa inuu ka dhashay qaraxa oo isugu jira dhimasho iyo dhaawac, inkastoo aan weli la heyn tiro rasmi ah.
La soco wixii ku soo kordha qaraxa.