Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliya, Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa weli ku mashquulsan soo magacaabidda Ra’iisal Wasaarihiisii 2aad, ka dib markii 25-kii bishii Luulyo ay Xildhibaanada Golaha Shacabka kalsoonida kala laabteen Ra’iisal Wasaarihii Xukuumadda, Xasan Cali Khayre.
Madaxweynaha Somaliya ayaa la fillayaa in Ra’iisal Wasaaraha cusub uu ka soo dhex xusho liis ay ku qoran yihiin magacyada xubnaha, ay midkood tahay inuu u soo magacaabo Ra’iisal Wasaaraha soo socda.
Wararka ayaa sheegaya in xubnahaan oo illaa toban gaaraya ay isugu jiraan qaar iyagu araajiyadooda u soo gudbiyay Xafiiska Madaxweynaha iyo qaar kaloo ay Madaxweynaha iyo La taliye-yaashiisuba u arkayn in midkood uu bedeli karo Ra’iisal Wasaarihii hore.
Ra’iisal Wasaaraha cusub ee imaan doono waxaa khasab ah inuu noqdo mid la socda xaaladda siyaasadeed ee dalka, macaamil wanaagsan la leh Xafiiska Madaxweynaha, lana shaqayn kara Xildhibaanada Labada Aqal, Maamul Goboleedyada iyo Beesha Caalamka, dalkana ku hoggaamin kara nooc uun doorasho oo la’isku waafaqsan yahay.
Wararka laga helayo Villa Somalia ayaa sheegaya in Madaxweynaha uu durbaba xushay shakhsiga ay tahay inuu u magacaabo xafiiska labaad ee dalka ugu sareeya, magacaabistiisana uu ku soo dhawaaqi doono toddobaadka soo socda, haddii aanu waxba iska bedelin, sida uu qorshuhu yahay.
Sida uu dastuurku qabo Madaxweynaha ayaa muddo bil ah haysta, si uu ugu soo magacaabo Wasiirka 1aad ee Golaha Fulinta, inkastoo hadana uu Madaxweynuhu dareensan yahay in waqtiga uu is guraayo ayaa waxaa la leeyahay waa uu dedejin doonnaa magacaabista Ra’iisal Wasaaraha wadada ku soo jira.
Madaxweyne Farmaajo ayaa la xusuustaa ka dib doorashadiisii in muddo laba toddobaad ahi, ay ku qaadatay soo magacaabistii Ra’iisal Wasaare Xasan Cali Khayre.