Warar soo baxaya ayaa sheegaya in khilaaf iyo jaha wareer xoog leh uu ka taaganyahay cidda uu xilka kala wareegayo ra’iisul wasaaraha cusub ee Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble.
Maalinta Axada ah ee berrito ayaa la filayaa in uu xilka la wareego Ra’iisul Wasaare Rooble, waxaana jira dood ku aadan sharci-ahaanshaha in sii-haye Mahdi Guuleed uu xilka kala wareego.
Warar aan helnay ayaa sheegaya in ra’iisul wasaarihii hore Xasan Cali Kheyre uu warqad rasmi ah u diray ra’iisul wasaaraha cusub Maxamed Xuseen Rooble.
Kheyre ayaa Rooble warqadda uu u diray waxa uu ku ogeysiiyey in madaxweynaha, guddoonka labada Aqal ee baarlamaanka iyo kan maxkamadda sare uu la wadaagay in aysan sharci aheyn in cid kale ay xilka ku wareejiso.
Sidoo kale ra’iisul wasaarihii hore Kheyre ayaa ra’iisul wasaaraha cusub Maxamed Xuseen Rooble la wadaagay in xogo iyo dukumentiyo badan oo Qaranka uu ku wareejin doono.
Guddoonka golaha shacabka ayaa 25-kii July shaaciyey in ra’iisul wasaarihii hore Xasan Cali Kheyre uu waayey kalsoonida golaha shacabka, kadib kulan buuq hareeyey oo ay isugu yimaadeen.
Maxamed Xuseen Rooble ayaa Arbacadii lasoo dhaafay waxaa cod aqlabiyad leh ku ansixiyey xildhibaanada golaha shacabka ee baarlamaanka Soomaaliya, waxaana socota qaban-qaabadii u dambeysay ee uu xilka kula wareegi lahaa.