Dhawaqa Gantaallo dhowr ah ayaa fiidnimadii Caawa laga maqlay Magaalada Asmara ee Caasimadda dalka Eratariya, kuwaasi oo ku dhacay qeybo kamid ah Magaalada, sida ay sheegayaan wararka halkaas laga helayo.
Ilaa iyo saddex Gantaal ayaa ku dhacay Garoonka diyaaradaha Magaalada Asmara gaar ahaan halka ay diyaaradaha Caga-dhigtaan ee Runwayga iyo Xarunta Wasaaradda Warfaafinta dowladda.
Dad ku sugan xaafado dhow halka ay ku dhaceen Gantaallada ayaa warbaahinta maxaliga u sheegay in mar qura ay maqleen jugta Gantaallo, isla markaana ay aaga isaga tageen, iyagoona aaday goob ammaan ah.
Macada inuu jiro khasaaro ka dhashay Gantaallada Caawa ku dhacay qeyb kamid ah Magaalada Asmara ee Caasimadda dalka Eratariya, sidoo kalena ma jiro weli wax war ah oo kasoo baxay dowladdaas oo ay uga hadlayaan falkaas dhacay.
Arrintaan ayaa kusoo aadeysa, iyadoo saacado kahor Madaxda Gobolka Tigree-ga ay ku hanjabeen in weerar loo adeegsanayi Gantaalko ku qaadi doonaan Eratariya, iyagoona ku eedeeyay inay ka qeyb qaadatay dagaalka khasaaraha geystay ee ka socda dalka Itoobiya.
Dowladda Itoobiya ayaa shaaca ka qaaday in kumanaan Askari oo ka tirsan Ciidankeeda kuna sugan gudaha dalka Soomaaliya ay dib ugala baxayaan, iyagoona ka hadlay sababta keentay in Ciidankooda ay xiligaan kala baxaan dalka.
Illaa 3,000 askari oo ah Ciidanka Difaaca Qaranka dalka Itoobiya ayaa laga saarayaa Soomaaliya, waxaana Ciidankaas dalka u joogeen ka qeyb galka howlgalka midowga Afrika ee AMSIOM, iyagoona ka qeyb qaatay howlgalo la fuliyay.
Sidoo kale Ciidanka ka baxaya Soomaaliya ayaa waxaa ay xoojin u ahaayeen oo ay caawinayeen 5,000 oo askar Itoobiyaan ah oo ka tirsan howlgalka Midowga Afrika ee AMISOM.
Itoobiya ayaa sheegtay in Ciidankan ay ka qeyb qaadan doonaan dagaalka ka dhan ah Gobolka Tigree-ga ee ka socda Waqooyiga dalkaas oo galay maalintii 10-aad, waxaana dagaalkaas ka dhacay khasaaro xoogan oo isugu jira dhimasho iyo dhaawac.
Bishii lasoo dhaafay boqolaal Askari oo ka tirsan Ciidanka Itoobiya ayaa isaga baxay degmada Luuq ee Gobolka Gedo ee Koonfurta Soomaaliya, waxaana Ciidankaas lagu soo bedelay kuwo ka socda dowlad deegaanka Soomaalida.
Dowladda Itoobiya ayaa xaqiijisay in caasimadda Gobolka Amxaarada ee Bahar Dar iyo magaalada kale ee Gondor xalay gantaalo lagu weeraray.
Ciidamada Tigreega ee TPLF ayaa gantaalo ku weeraray magaalooyinkaas oo ah dhulka amxaarada oo aheyd goobaha gulufka dagaal ay ka soo qaaday dowladda Dhexe ee Itoobiya.
Gantaalada ayaa xalay la maqlay abaarihii 11-kii habeenimo, sida ay ku waramayaan warbaahinta caalamiga, inkastoo ay adag tahay in la helo warar madax bannaan, maadaama qadka isgaarsiinta iyo adeegga taleeefanka ay goโan yihiin.
Labadii todobaad ee u dambeeyay ayaa waxaa dagaalo ka socday deegaanada ku teedsan xadka ay wadaagaan deegaanada Amxaarada iyo Tigreega, waxaana dagaaladaas u dhaxeeyay Ciidamada dowladda Itoobiya iyo Maleeshiyo daacad u ah Tigreega.
Kumanaan ruux ayaa ku barakacay dagaalada ka socda Gobolka Tigreega, waxaana xaalada ka jirta la sheegay inay tahay mid goโdoon ah.
Xiisada dagaal ee ka jirta Itoobiya ayaa weji cusub sii yeelaneysa, waxaana Maamulka deegaanka Tigreega ay ku eedeeyeen in dagaal labo jiho ay ku soo qaadeen Ciidamada dowladda Itoobiya iyo kuwa Eritrea.
Hayadda u doodda xuquuqda aadanaha ee Amnesty International ayaa sheegyay inay xaqiijisay xasuuq ka dhacay gobolka Tigray ee dalka Itoobiya, kaasoo lagu dilay dad badan oo ay suuragal tahay inay gaarayaan boqollaal ruux.
โWaxaan xaqiijinnay xasuuq loo geystay dad shacab ah oo aad u badan, kuwaasoo u muuqday inay yihiin dad magaalada ka xamaasha oo aan sinaba ugu lug lahayn howl-galka milatari ee socda. Tani waa musiibo naxdin leh oo inta ay la egtahay uu sheegi karo waqtiga oo kaliya maadaama adeeggii isgaarsiinta ee gobolka Tigray uu wali xiran yahay,โ ayuu yiri Deprose Muchena, oo ah agaasimaha Amnesty International ee Bariga iyo Koonfurta Afrika.
Sarkaalka u hadlay hayโadda ayaa dalbaday in sida ugu dhakhsiyaha badan dib loogu fasaxo khadka isgaarsiinta ee deegaankaas.
Amnesty International ayaa sheegtay sawirro iyo muuqaallo laga soo qaaday meydad oo lasoo gaarsiiyay ay u adeegsatay qalabka satellite-ka ayna xaqiijisay in waqtigooda uu yahay 9-kii bishan November.
Goobta uu xasuuqaas ka dhacay ayey hayaddu ku sheegtay magaalada Mai-Kadra oo ku taalla dhinaca galbeed ee gobolka.
Dhinaca kale, Raโisul Wasaaraha Ethiopia Abey Ahmed ayaa Khamiista maanta sheegay in milatariga dalkaasi ay qabsadeen galbeedka gobolka Tigray, kaddib todobaad uu halkaasi dagaal culus ku dhexmarayay ciidamada milatarifa dowladda federaalka iyo kuwa gobolka Tigray.
Qoraal uu soo dhigay bartiisa Twitter-ka ayuu Abey Ahmed ku yiri โGobolka Galbeed ee Tigray waa la xoreeyay.โ Wuxuu intaasi ku daray in ciidankiisa ay gargaar baniโaadannimo hadda u fidinayaan dadka rayidka ah.
Isgaarsiinta iyo warbaahinta oo loo diiday darteed, ayaanan la xaqiiqi karin sheegashada Raโisul Wasaare Abey.
Hayโadaha gargaarka ee caalamiga ah ayaa sheegay, in dad ka badan 10 kun oo kasoo jeeda gobolka Tigray ay ka gudbeen xadka Itoobiya ay la wadaagto Sudan.