Shir Madaxeedka Urur Goboleedka IGAD ee 38aad ayaa maanta oo Axad ah ka furmaya magaalada Jabuuti ee Jamhuuriyadda Jabuuti, shirkan ayaa looga hadlayaa xaalada gobolka.
Ra’iisul Wasaaraha Sudan Abdalla Hamdouk oo ah Guddoomiyaha IGAD ayaa shir guddoominaya shirka, iyadoo Madaxweynaha Jabuuti ee dalkiisa martigelinaya uu la shir guddoominayo.
Shirkan ayaa diiradda lagu saarayaa dhibaatada Gobolka Tigray ee Itoobiya, halkaasoo dhowaan Milateriga dalkaas ay weerar ku qaadeen Jabhadda TPLF, iyagoo kala wareegay dhammaan magaalooyinkii ay maamulayeen.
Sidoo kale waxaa shirka looga hadli doonaa xiisada siyaasadeed ee u dhaxeysa Soomaaliya iyo Kenya, oo dhowaan dowladda Soomaaliya xiriirka u jartay Kenya.
Arrimaha kale ee shirka looga hadli doono ayaa waxaa ka mid ah cudurka Coronavirus iyo saameynta uu ku yeeshay dalalka Gobolka.