Weerar gantaalo ah ayaa lagu beegsaday safaaradda Mareykanka ee magaalada Baqdaad ee caasimadda dalka Ciraaq.
War ka soo baxay Taliska Ciidamada ciraaq ayaa lagu sheegay in sideed gantaal lagu riday safaaradda oo ku taala aaga cagaaran ee sida aadka ah loo ilaaliyo .
Safaarada Mareykanka ayaa dhankeeda xaqiijisay weerarka waxayna sheegtay in la howl galiyay hanaanka difaaca ee gantaalada hawada ku burburiya kaas oo safaarada ku yaal.
Ilaa iyo haatan ma jiraan wax khasaare ah weerarka ka dhashay marka laga reebo bubur yar oo gaaray qeybo ka mid ah dhismaha. Sidoo kale lama yaqaan cidda beegsatay Safaaradda.