Dagaal xoogan ayaa maanta waxaa uu ka socdaa degmada Wanlaweyn ee gobolka Shabeelada hoose.
Goobjoogayaal ayaa warbaahinta u sheegay in dagaalka uu u dhexeeyo Guddoomiyaha degmada Wanla-weyn Maxamed Siidow iyo Guddoomiyaha arimaha bulshada degmadaasi Axmed kheyr.
Dagaalka ayaa ka dambeeyay kadib markii is qab qabsi maamul uu soo kala dhex galay labada masuul.
Xaalada degmada Wanla-weyn ayaa kacsan, waxaana haatan la maqlayaa dhawaqa rasaasta iyo madaafiicda ay is weydaarsanayaan dhinacyada dagaalamaya
Ma jiraan weli wax war ah oo ka soo baxay maamulka gobolka Shabeellada Hoose