Madaxweynihii hore ahna Guddoomiyaha Midowga Musharaxiinta Shariif Sheekh Axmed ayaa galabta la kulmay Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Koofur Galbeed C/casiis Lafta Gareen.
Kulankan ayaa ka mid ah kulamo doceedyo looga hadlayo shirka arrimaha doorashooyinka oo lagu wado in berri oo sabti ah ka furmo magaalada Muqdisho.
Inta badan madaxda Dowlad Goboleedyada oo haatan ku sugan caasimada dalka ayaa waxaa ay la kulmayaan saamilayda siyaasada dalka.
Xalay ayaa waxaa madaxda maamul goboleedyada Jubbaland, Koofurgalbeed, Galmudug iyo guddoomiyaha gobolka Banaadir ay la kulmeen Ra’iisul Wasaare Rooble iyagoo ka wadahadlay shirka Madasha Qaran.
Shirkan lagu wado in uu berri furmo ayaa u muuqda mid dhammaan ka qeybgalayasha aysan ku xireyn shuruud waxaana rajo weyn laga muujinayaa in kulankan heshiis lagu gaaro.