
Warqad ka soo baxday Xafiiska Raโiisul Wasaaraha 26 bishan May ayaa lagu faray dhammaan Wasaaradaha iyo heyโadaha kala duwan ee dowladda in aanay gaari karin lana shaacin karin goโaan cusub oo aan ogolaansho looga helin Xafiiska Raโiisul Wasaaraha.
Arrintan ayaa waxay muujineysa in Wasiirada Wasaaradaha Xukuumadda aanay wax magacaabis ama dano kale oo shaqsi u adeegsan awoodahooda inta lagu guda jiro xilliga kala guurka, iyadoo horay loo bartay in marka olole doorasho jirto in Wasiirada qaar sameeyaan magacaabis xilal, si ay danahooda u gaaraan.
Halkan hoose ka aqriso qoraalka ka soo baxay xafiiska raโiisul wasaaraha;
