Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Cabdicasiis Xasan Maxamed Lafta-gareen ayaa xilkii ka qaaday guddoomiyihii Gobolka Bay Cali Wardheere Cabdiraxmaan.
Wareegto kasoo baxday Xafiiska Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Cabdicasiis Xasan Maxamed Lafta-gareen ayaa xilka Guddoomiyaha Gobolka Baay waxaa loogu Magacaabay Cumar Cali Isaaq Balash.
Hase yeeshee wareegtada laguma xusin sababta keentay xilka qaadista Guddoomiyihii Gobolka Bay.