Ra’iisul Wasaaraha XFS Maxamed Xuseen Rooble ayaa maanta gaaray magaalada Nairobi ee caasimada dalka Kenya ,kadib markii uu kulamo kula yeeshay magaalada Mombasa Madaxweynaha dalka Kenya.
Maxamed Xuseen Rooble ayaa markii uu gaaray magaalada Nairobi waxa auu kulan la qaatay qaar ka mid ah ganacstada Soomaaliyeed ee ku dhaqan magaalada Nairobi ee dalka Kenya .
Kulanka oo ahaa mid soo dhaweyn ah ayaa ganacstada waxa ay uga xog warameen Ra’iisul Wasaaraha ganacasiga Soomaalida ay ku leeyihiin Kenya , horumarka ay sameyeen iyo caqabadaha heysta xilligan.Ganacstada ayaa u soo jeedinayaan talooyin ay u arkaan in lagu hagaajin karo xoojinta xiriirka labada dal