Wasaaradda Caafimaadka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa warbixinta maalinlaha ah ee xogta Feyruska Karoona ku sheegtay in la diiwaan geliyay 140 xaalado cusub oo COVID-19 ah 24-kii saac ee la soo dhaafay, 4 qof ayaana u geeriyootay, waxaana ka bogsatay 69 ruux.
Warbixinta maalinlaha ah ee xogta Cudurka COVID-19 ayaa waxaa lagu caddeeyay in xaaladaha cusub laga diiwaan geliyay Somaliland (105) Puntland (27) Jubbaland (5) iyo Galmudug (3), waxaana bukaannada rag ah 95, halka 69 kalea ay yihiin haween.
Tirada xaaladaha COVID-19 ee dalka laga diiwaan geliyay ayaa gaartay 19,723 qof, isla markaana bogsootay 9,414 Ruux. guud ahaan 1,103 ruux oo kale ayaa u geeriyootay.
Wasiirka Caafimaadka Fowsiya Abiikar Nuur ayaa bulshada ka codsatay inay qaataan talooyinka caafimaad ee laga helayo khuburada caafimaadka ku takhasusay iyo wacyi gelinta kale ee bulshada lagu ogeysiinayo khatarta cudurkaan uu dadka ku keeni karo, maadaama uu markale soo labo kacleeyay halista cudurka COVID-19.
Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshadda Drs Fowziya Abiikar Nuur ayaa bulshada ku baraarujisay inay qaataan Tallaalka ka hortagga Caabuqa COVID-19 ee AstraZeneca, kaasi oo haatan si habsami leh uga socda gudaha dalka.