Wararka ka imanaya gobolka Galgaduud ayaa sheegaya in maleeshiyaad hubeysan oo taabacsan Ahlu Sunna ay la wareegeen magaalada Guriceel oo ka mid ah magaalooyinka ugu muhiimsan ee Galmudug.
Ciidamada dowlada federalka oo hore ugu sugnaa magaalada ayaa isaga baxay iyagoo aan wax rasaas ah ridin.
Xiisada ka dhalatay dib ugu soo laabashada gobolka Galgaduud ciidamada Ahlu Sunna ayaa sababta in shalay uu dagaal ka dhaco duleedka magaalada
Dhuusamareeb ee xarunta Galmudug halkaa oo ay ilaa toban ruux ku dhinteen.