Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya rag hubeysan oo xalay weerar ku qaaday Bar koontarool oo Ciidamo ka tirsan kuwa dowladda Federaalka Soomaaliya ay ku leeyihiin gudaha Magaalada Baydhabo ee Xarunta Gobolka Baay.
Weerarka oo ay fuliyeen rag hubeysan oo ka tirsan Al-shabaab ayaa waxaa uu sigaar ah uga dhacay Barta koontarool oo Ciidanka ku leeyihiin wadada soddonka ee Baydhabo, waxaana weerarka kadib dhacay iska hor imaad u dhexeeyay labada dhinac.
Dad ayaa waxaa ay ku warrameen in muddo daqiiqado ay maqlayeen rasaas ay is dhaafsanayeen Ciidanka dowladda iyo Al-shabaabkii weerarka soo qaaday, wallow markii dambe xaaladda si caadi kusoo laabatay, lamana oga khasaaraha ka dhashay.
Saraakiil ka tirsan Ciidanka dowladda Federaalka ayaa sheegay inay iska difaaceen weerarkii uga yimid dhanka Shabaabka, isla markaana uusan jirin khasaaro ka dhashay weerarkii xalay ka dhacay Magaalada Baydhabo ee Caasimadda KMG ah ee Koonfur Galbeed.
Baydhabo ayaa waxaa dhowr habeen kahor sidaan oo kale uga dhacay weeraro khasaaro geystay oo ay fuliyeen Al-shabaab, waxaana Magaaladaas ay kamid tahay Magaalooyinka ay ka dhacayaan doorashada Xildhibaanada Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Soomaaliya.