Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ee xilgaarsiinta Maxamed Xuseen Rooble iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa Maanta waxaa ay ku wajahan yihiin Magaalada Baraawe ee Caasimadda Maamulka Koonfur Galbeed.
Ra’iisul Wasaare Rooble iyo wafdigiisa oo qeyb ay ka yihiin Wasiiro ka tirsan Xukuumaddiisa iyo Mas’uuliyiin kale oo kamid ah dowladda ayaa saacado kadib ka degi doona Garoonka diyaaradaha Baraawe, waxaana halkaas ka socota qaba-qaabada soo dhaweynta.
Madaxweynaha Koonfur Galbeed Cabdicaiis Xasan Maxamed Lafta-gareen iyo wafdi la socday oo saaka ka ambabaxay Magaalada Muqdisho ayaan dhowr iyo soddon daqiiqo kahor gaaray Baraawe, iyagoona halkaas lagu soo dhaweeyay.
Ujeedka socdaalka Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ee xilgaarsiinta Maxamed Xuseen Rooble ayaa waxaa uu yahay mid uu ugu kuur galayo xaaladda Magaalada Baraawe, isagoona la kulmi doona Maamulka degmada.
Ra’iisul Wasaaraha ayaa kormeeray garoonka diyaaradaha ee Aadan Cadde ee Magaalada Muqdisho, isagoo u kuur galay habsami u socodka howlaha garoonka, ka hor intii uusan socdaalkiisa ugu ambabixin magaalada Baraawe.