Guddoomiyihii Akadeemiyad Goboleedka geeska Afrika ee Afka Soomaaliga Dr. Maxamed Daahir Afrax ayaa ku geeriyooday Isbitaal ku yaalla Magaalada London ee Caasimadda dalka Ingiriiska.
Warar la helayo ayaa waxaa ay sheegayaan in Marxuum Dr. Maxamed Daahir Afrax uu maalmihii lasoo dhaafay ku xanuunsayay Isbitaal ku yaalla Magaalada London, isagoona xanuukii uu haayay uu ugu geeriyooday halkaas.
Geerida Guddoomiyihii Akadeemiyad Goboleedka geeska Afrika ee Afka Soomaaliga ayaa waxaa xaqiijiyay qaar kamid ah Eheladiisa iyo xubno kale, waxaana geerida Dr. Maxamed Daahir ka tacsiyeeyay Masβuuliyiin iyo siyaasiyiin.
Allaha u naxariistee Marxuum Dr. Afrax wuxuu Guddoomiyihii Ururka Somali Pen oo ay ku mideysnaayeen Qoraayaal Soomaaliyeed, isagoo ahaa aqoonyahan Soomaaliyeed oo wax ku qora afafka Soomaaliga, Carabiga iyo Ingiriiska.