Waxaa Magaalada Baydhabo ee Xarunta Gobolka Baay weli ka socota doorashada kuraasta Golaha Shacabka, waxaana goordhow la doortay kursiga Saddexaad oo kamid ah Afarta kursi ee la qorsheeyay in Maanta la doorto.
Cabbdirisaaq Xaaji Cabdi (Midnimo) ayaa ku guuleystey Kursiga Nambarkiisa uu yahay Hop 042 ee Gollaha Shacabka Baarlamaanka Soomaaliya wuxuuna helay Codad dhan 80-cod
Halka musharaxii la tartamayey Maxamed Cali Sheekh uu helay Codad dhan 15-cod
Waxaa Halaabay 6-Cod
Hadda waxaa socota doorashada kursiga Afaraad ee ugu dambeeya ee doorashada Maanta kaas oo uu horay ugu fadhiyay Idiris Cabdi Dhaqtar.