Ururka Midowga Yurub oo wakiil ka ah 27 wadan ahna hay’adda ugu weyn ee deeqaha siisa Soomaaliya ayaa si cad ugu soo horjeesatay go’aanka ay qaadatay dowlada Soomaaliya. Qarashka ku baxa ciidanka ilaalada ee AMISOM waxaa si joogta ah u bixiso Ururka Midowga Yurub.
Midowga Yurub ayaa ku tilmaamay wax laga xumaado go’aanka aan laga fiirsan oo ay qaadatay dowlada Soomaaliya. EU ayaa sidoo kale waxa ay cambaaraysay weerarkii lagu qaaday xarunta UNta ee Xalena.
Hadalka ka soo yeeray EU ayaa waxaan shaki ku jirin in uu dhaawac fog gaarsiin doono xiirirka u dhaxeeya Soomaaliya iyo EU oo soo jireen ahaa in ka badan 50 sano. EU ayaa ah ururka kaliya ee aan Soomaaliya waligeed ka bixin kuna adkeystay in la joogto shacabka Soomaaliya xiligii dagaalka Sokeeye iyo xiliyadii adkaa ee ay Soomaaliya soo margay.