Qarax sababay khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac ayaa goordhow ka dhacay magaalada Jowhar ee caasimadda Dowlad goboleedka Hirshabeelle.
Sida ay Radio Warsan u xaqiijiyeen dadka deegaanka Qaraxa oo ahaa nooca miinada dhulka lagu aaso ayaa ka dhacay maqaayad ku taalo xaafadda kulmis oo ay fadhiyeen xubno xildhibaano ah.
Dhowr qof ayaa la xaqiijiyay in ay qaraxa ku dhaawacmeen, waxaana wararka qaar ay sheegayaan in labo Xildhibaan oo ka tirsan baarlamaanka Hirshabeelle ay ku dhaawacmeen.
Laamaha Ammaanka oo gaaray goobta uu Qaraxu ka dhacay ayaa halkaasi ka qaaday dhaawacyada Xildhibaanada.