Dowladda Kenya ayaa bandow soconaya habeenkii oo dhan waxa ay ku soo rogtey gobolka xeebta ee Lamu, kadib markii toddobo qof, oo laba kamid ah ay qoorta laga jaray lagu diley gobolka Lamu.
Wasiirka amniga gudaha, Fred Matiangi, ayaa sheegay in bandowga uu yahay xeeladaha ka kaalmeynaya ciidamada ammaanka, sidii ay u gaarsan lahaayeen kooxihii dhibaatada geystay.
Dhawr ruux oo la tuhunsan yahay ayaa la xirey, sida uu sheegay afhayeenka booliiska. Inkasoo ay ciidamada ammaanka Kenya iyo kuwa Mareykanka ay kusugan yihiin Lamu, haddana Al shabaab oo xiriir la leh Al Qaacida waxey dhawr jeer weeraro ka geysteen gobolkani, kuwaasoo ay ku diley tobanaan qof, guryana ku gubey halkaasi.
Weerarkii ugu danbeeyey ee dhacey Isniintii, ayaa waxaa lagu diley shan qof, halka laba qofna la gawracey.