
Guddiga doorashooyinka heer maamul goboleed ee Hirshabeelle ayaa lagu waddaa in ay shaaciyaan saacaddaha soo socda doorashada 10 kursi oo ka mid ah golaha Shacabka kuwaasoo dhawaan lagu dooran doono magaalada Jowhar.
Guddiga ayaa saacaddihii lasoo dhaafay waday la tashiyo kala duwan oo ay la yeelanaayeen madaxda maamulka Hirshabeelle, waxaana ay kala hadlaayeen sidii ay u bilaabi lahaayeen doorashada golaha Shacabka.
Wararka qaar ayaa sheegaya in 10-ka kursi ee la shaacin doono ay yihiin kuwa ugu adag tartanka xildhibaanada golaha Shacabka ee degaanada maamulka Hirshabeelle.
Madaxweynaha Hirshabeelle ayaa dib ugu laabtay magaalada Jowhar, iyadoona u jeedada ugu weyn tahay bilaabida doorashada, maadaama hirshabeelle ay ka mid tahay meelaha aan wali laga bilaabin doorashada xildhibaanada golaha Shacabka.
Maanta ayay ku began tahay xilligii ay ku balameen golaha wadatashiga qaran in ay dardargaliyaan doorashada xildhibaanada golaha Shacabka si aysan ugu soo dhameystiraan 40 maalmood oo ka bilaabanaysa maanta kuna eg 25 February ee soo socota.