Guddoomiyhii hore ee Golaha Shacabka Xildhibaan Sheekh Aadan Maxamed Nuur Sheekh Aadan ( Madoobe) oo Maanta qaatay shahaadada Xildhibaannimo ayaa u mahad celiyay Guddiyada doorashooyinka & cidkasta oo suurto gelisay in doorashooyinka Golaha Shacabka la qabto.
Sheekh Aadan Madoobe oo Warbaahinta la hadlay ayaa sheegya in doorashada Somaaliya waqtigii loogu talo galay ay dib uga dhacday, wuxuuna Xildhibaannada dooran ugu baaqay in aysan qeyb ka noqon dib u dhac kale ayna Shahaadada Xildhibaannimo qaataan.
Wuxuu hadalkiisa uu intaasi ku daray in markii uu yimid Magaalada Muqdisho oo uu safar uga maqnaa uu ogaaday in Xildhibaankii Koowaad ee kasoo jeeda Koonfur Galbeed ee Shahaadada qaata uu isaga yahay, iyada oo Xildhibaano badan ay Muqdisho joogaan.
“ Markii aan dad badan weeydiiyay sababta aysan Xildhibaannada Koonfur Galbeed kasoo jeeda Shahaadada u qaadan waxaa leygu sheegay in uu cadaadis kale jiro, balse qofka wax uu taban karaa waxaase jira habraac lagu heshiiyay iyo wada-hadal ayuu yiri” Sheekh Aadan Madoobe.
Ugu dambeyn Guddoomiyhii hore ee Golaha Shacabka Xildhibaan Sheekh Aadan Maxamed Nuur Sheekh Aadan ( Madoobe) wuxuu sheegay in arrin aad u qaldan inay tahay in la hor istaago inay Xildhibaannada Shahaadada qaataan, wuxuuna ugu baaqay inay xaqooda raadsadaan oo Shahaadada qaataan wixii tabasho iyo Cadaalad darro ahna aan la aqbaleyn.