laamaha Amniga oo shaaciyay khasaaraha ka dhashay qarixii degmada Balcad written by Warsan Radio 17/05/2022 Inta la xaqiijiyay saddex qof ayaa ku dhaawacmay bam-gamceed lagu weeraray maqaayad ku taalla magaalda Balcad ee gobolka Shaheelaha Dhexe, kuwaas oo ay jiraan saraakiil ka tirsan maamulka Hirshabelle.Maqaayadda oo ah mid lagu cunteeyo ayaa ku taalla kasoo horjeedka Xarunta Maamulka degmada Balcad agagaarka Suuqii hore ee Khudaarta, waxaana inta badan fariista mas’uuliyiinta qaar iyo Shaqaalaha Maamulka degmada Balcad.Taliyaha saldhigga booliska degmada Balcad Gaashaanle Dhexe Xuseen Macallin Cabdulle ayaa sheegay in dadka dhaawac ah ay ka mid ah yihiin guddoomiyaha maxkamadda Balcad, guddomiyaha tuulada Mareerey iyo mid ka mid ah nabadoonnada Hirshabelle.Waxa uu sheegay in uu goobta ka baxsadeen qofkii soo tuuray bamka, laakiin hay’adaha amnigu ku raad joogaan.Al-Shabaab ayaa bilihii la soo dhaafay dhowr qarax iyo weerarro noocan oo kale ah ka fuliyay gobolka Shabeellaha Dhexe, iyaga oo inta badan sheegta masuuliyadda weerarada noocaan oo kale ah. laamaha Amniga oo shaaciyay khasaaraha ka dhashay qarixii degmada Balcad was last modified: May 17th, 2022 by Warsan Radio 0 comment 0 Facebook Twitter Google + Pinterest previous post Farmaajo oo magacaabay Guddiga Qabanqaabada Xil-wareejinta Madaxweyne Xasan Sheekh next post Madaxweyne Xasan Sheekh oo la kulmay Madaxweynayaasha 5-ta Dowlad Goboleed You may also like Wasiirka cusub ee Arrimaha Dibadda oo xilka la wareegay 28/11/2020 Taliska Ciidanka Xoogga dalka oo ka hadlay sababta Ciidanka Uga soo baxeen Farumaha dagaalka 31/08/2023 Madaxweyne Xasan Sheekh oo shaaciyay in uu soo celinayo wada-hadalladii dowladda iyo Somaliland 06/12/2022 Suudaan Oo Soomaaliya Ka Taageeraysa La Dagaalanka AL-Shabaab 02/11/2022 Dhageeyso:-Warka fiidnimo ee Idaacada Warsan 24/11/2019 Maxay ka wada hadleen Ra’iisul Wasaare Xamse & Safiirka Mareykanka? 17/07/2022 Maxuu salka ku hayaa socdaalka Xoghaye Mike Pompeo uu ku gaaray Japan? 06/10/2020 Ra’iisul Wasaare Xamse” Waxaa ogolahay in lala xisaabtamo Xukuumaddeyda” 07/08/2022 Dahgeyso:-Qeybta 7 aad ee Barnaamijka barashada nafaqada wanagsan iyo badqabka cunada 28/06/2021 Dowladda Soomaaliya oo digniin u jeedisay danjirayaasha ka howl-gala Soomaaliya 24/03/2021 Fariintada Nogu soo dir E-mail Adres warsanradiobidoa@gmail.com warsannews@yahoo.com Leave a Comment Cancel Reply Save my name, email, and website in this browser for the next time I comment.