Shirka Midowga Afrika oo furmaya & Soomaaliya oo ka qeyb galeysa written by Warsan Radio 25/05/2022 Magaalada Malabo ee dalka Equatorial Guinea waxaa lagu wadaa in uu ka furmo shir madaxeedka aan caadiga ahayn ee Midowga Afrika kaas oo looga hadlayo argagixisanimada iyo isbedelada aan dastuuriga ahayn ee dowladda.Bilawga shir madaxeedkan ayaa ku beegan maalinta Afrika oo sanad walba la xuso xuska aas aaska ururka midowga Afrika oo la aas aasay 25 May 1963. Waa aasaaskii ururka midowga Afrika (AU).Shir madaxeedka aan caadiga ahayn ayaa daba socda shan afgambi oo Afrika ka dhacay tan iyo sanadkii 2021, iyadoo kiisas argagixiso ay ka dhaceen gobollo iyo dalal kala duwan oo ay ka mid yihiin Saaxil, Soomaaliya, Angola iyo Jamhuuriyadda Bartamaha Afrika, iyo kuwo kale.Kulamada ka hor, waxaa magaalada Malabo gaaray guddoomiyaha guddiga Midowga Afrika Moussa Faki Mahamat, waxaana qaabilay madaxweynaha Equatorial Guinea Teodoro Obiang Nguema Mbasogo.Labada mas’uul ayaa ka wada hadlay arrimo kala duwan oo khuseeya labada dal.Bishii Maarso, Midowga Afrika ayaa magaalada Accra ee dalka Ghana ku qabtay Madal Milicsi oo ku saabsan Isbeddellada aan Dastuuriga ahayn ee Afrika, kaas oo diiradda lagu saaray sidii xal loogu heli lahaa dib u soo cusboonaada isbeddellada aan waafaqsanayn dastuurka ee Afrika.Shirka dalalka Midowga Afrika ee ka furmaya Magaalada Malabo ee dalka Equatorial Guinea ayaa waxaa ka qeyb geli doona wafdi ka socda dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya, kuwaas oo sidoo kale kulamo gaar gaar ah la yeelan doona madaxda ka qeyb galeysa shirkaas. Shirka Midowga Afrika oo furmaya & Soomaaliya oo ka qeyb galeysa was last modified: May 25th, 2022 by Warsan Radio 0 comment 0 Facebook Twitter Google + Pinterest previous post Ciidanka DANAB oo howlgal qorsheysan fuliyay next post Dhageyso:-Warka Duhur ee Radio Warsan You may also like DHAGEYSO:WARKA HABEEN IDAACADA WARSAN 13-11-2016 13/11/2016 Akhriso:-Maxamed Cabdi Xayir Maareeye oo sheegay in aysan jirin askari diiwaangashan oo mishaar aan qaadan, 21/03/2019 Madaxdii hore ee dowlada Somalia oo dhaliilay shirka ka socda Jabuuti (Akhriso) 17/06/2020 Dhageyso:-Warka Galab ee Idaacada Warsan 11/04/2021 Dhageyso: Warka Fiidnimo ee Idaacada Warsan 26/12/2022 Ra’iisul wasaaraha Dowladda Qaramada midoobey Aqoonsan Tahay ee Libya oo Iscasilayo 17/09/2020 Faafaahin Qarax ismiidaamin ah oo maanta ka dhacay Magaalada Kismaayo 11/09/2020 Qaramada Midoobay oo Markab sida qamadi ah u dirtay dalkaasi Jabuuti 15/08/2022 Dgageyso:-Barnaamijka Kulanka Warsan 22/02/2021 Dhageyso;- Warka Fiidnnimo ee Idaacada Warsan 17/09/2022 Fariintada Nogu soo dir E-mail Adres warsanradiobidoa@gmail.com warsannews@yahoo.com Leave a Comment Cancel Reply Save my name, email, and website in this browser for the next time I comment.