In ka badan 30 carruur ah oo nafaqa darro ugu geeriyootay Isbitaalka Kismaayo written by Warsan Radio 24/06/2022 Wararka naga soo gaaraya Magaalada Kismaayo ee Gobolka Jubbadda Hoose ayaa waxaa ay sheegayaan in ilaa 30 Carruur ah saacadihii la soo dhaafay xaalad bafaqa darro ay ugu geeriyootay isbitaalka Magaalada Kismaayo ee gobolka Jubbada Hoose.Carruurtaan ayaa waxaa laga kala keenay qaar kamid ah degaannada iyo degmooyinka Gobolada Jubbooyinka, gaar ahaan degaannada ay maamulaan Al-Shabaab, waxana saameyn weyn ku yeeshay xaaladda abaareed ee kajirta degaannada Jubbaland.Madaxa qaybta Nafaqo-darrada ee Isbitaalka Kismaayo Faysal Aadan Ibraahim oo la hadlay Voa-da ayaa sheegay in dad gaaraya ilaa 400 oo Ruux oo kamid ah dadka ay sameysay abaarta ee ka qaaday xanuuno kala duwan haatan lagu daweeynayo isbitaalka Magaalada kismaayo.Sidoo kale Feysal waxaa uu sheegay in xaaladda nafaqa darro ee heysata Carruurta kunool degaannada Gobolada Jubbooyinka ay yihiin kuwo aad u daran ayna siweyn u saameysay abaarta, sidoo kalena ay jiraan kuwo badan oo weli ka barakacaya.Degaano iyo degmooyin katirsan Gobolada Jubbooyinka ayaa waxa weli kajirta abaar daran, waxaana ay siweyn u saameysay dad iyo duunyo, iyada oo dowladda Maamulka Jubbaland & Hay’adaha samafalka ay ka gaabiyeen wax u qabashadooda. In ka badan 30 carruur ah oo nafaqa darro ugu geeriyootay Isbitaalka Kismaayo was last modified: June 24th, 2022 by Warsan Radio 0 comment 0 Facebook Twitter Google + Pinterest previous post Dhageyso:-Barnaamijka Kulanka Warsan next post Dowladda Soomaaliya oo soo dhaweeysay lacagta Bangiga Adduunka ku taageeray Abaaraha You may also like Dhageyso: Warka Fiidnimo ee Idaacada Warsan 27/05/2023 Dhageyso:-Barnaamijka Kulanka Warsan 19/08/2019 Dowladda Mareykanka oo cambaareysay Xadgudubyadda Saxaafada degaanada Somaliland 03/07/2020 Akhriso+Sawiro:-Dowladda Soomaaliya iyo Midawga Yurub Oo Kala Saxiixday Heshiis Lagu Dhisayo Waddooyinka Muqdisho Iyo Bebe 31/08/2019 Shirka wadatashiga mashruuca ka soo kabashada xasaradaha Soomaaliya oo ka furmay Muqdisho (Sawirro) 21/10/2020 DHAGEYSO: Warka Duhur ee Idaacada Warsan 11/04/2020 Guddiga hirgelinta doorashooyinka ee Jubbaland oo shaaciyey xiliga la qabanayo doorashada afarta kursi ee dhiman 19/10/2021 Madaxweyne Xasan Sheekh oo kulamo ka wada Muqdisho 18/05/2022 Guddoomiyaha Gobolka Banaadir oo iclaamiyay banaanbax weyn oo berri ka dhici doona Muqdisho 17/10/2017 Toogasho saaka lagu fuliyay Askari dilay Taliyihiisa 07/10/2022 Fariintada Nogu soo dir E-mail Adres warsanradiobidoa@gmail.com warsannews@yahoo.com Leave a Comment Cancel Reply Save my name, email, and website in this browser for the next time I comment.