Dal kuyaalla Koonfurta Amerika oo Codsi Diplomaasiyadeed u soo dirtay Soomaaliya written by Warsan Radio 06/07/2022 Ku Simaha Safiirka Safaaradda Soomaaliya ee Itoobiya ahna u qaybsanaha safaaradda Soomaaliya ee Midowga Africa iyo Hay’adda dhaqaalaha Qaramada Midoobay ee UNECA Shaafici Nuur Calas Faarax ayaa xarunta Safaaradda ee Magaalada Addis Ababa ku qaabilay xoghayaha joogtada ah ee Wasaaradda Arrimaha Dibadda Jamhuuriyadda Chile (Jilli) Ambassador Alex Wetzig iyo danjiraha Safaaradda Jamhuuriyadda Chile (Jilli) ee dalka Itoobiya Ambassador Fernando Zalaquett.Kulankan ayaa ka dhashay codsi rasmi ah oo ay dhowaan Safaaradda Jamhuuriyadda Chile ee Addis Ababa soo gaarsiisay Safaaradda Soomaaliya ee Itoobiya, kaasi oo salka ku hayay baadi goobka taageero Diplomaasiyadeed oo ay Jamhuuriyadda Chile si rasmi ah u waydiisanayso Jamhuuriyadda Soomaaliya.Arrintaan ayaa dowladda Chile ay kaga gol leedahay maadaama ay u sharaxan tahay hogaaminta Golaha Xuquuqul Insaanka ee Qaramada Midoobay, isla markaana ay ka dalbanayso Dawladda Soomaaliya inay ku taageerto oo siiso Dawladda Chile codka rasmiga ah ee ay Soomaaliya ku leedahay fadhiyada rasmiga ah ee Golaha loo dhan yahay ee Qaramada Midoobay. Dal kuyaalla Koonfurta Amerika oo Codsi Diplomaasiyadeed u soo dirtay Soomaaliya was last modified: July 6th, 2022 by Warsan Radio 0 comment 0 Facebook Twitter Google + Pinterest previous post Dhageyso:-Barnaamijka Kulanka Warsan next post Madaxweyne Xasan Sheekh oo booqday Xero lagu tababaro Ciidanka Soomaaliya You may also like Daawo video: KOONFUR GALBEED OO KORDHINEYSA LA DAGAALANKA AL SHABAAB 18/02/2017 Golaha Ammaanka Oo Cusbooneysiinaya Howlgalka AMISOM ee Soomaaliya. 22/02/2021 Ra’iisul Wasaare Rooble Oo Goor Dhow U Dhoofay Switzerland Iyo Ujeedka Safarkiisa 24/04/2022 Aqriso:-Tartan aqoonedka Caawa u dhaxeeya Horseed A iyo Isha B 17/04/2021 Shirkii maanta loo balansanaa ee madaxda DF iyo DG oo wajahaya caqabad kala maqnaasho ah 12/09/2020 AKHRISO:-SAWIRO Wadamada Australia iyo New Zealand oo soo dhoweeyay sanadka cusub 2017 31/12/2016 Madaxweyne Farmaajo oo kulan deg deg ah isugu yeeray taliyeyaasha ciidamada & Heyadaha amniga 28/07/2020 DHAGEYSO Maamulaka KGS, somaliaya ayaa waxa ay soo bandhigeen sarlakal Katirsan ururka Al shabab diinsoor 14/01/2017 Cabduqaadir Maxamed Nuur IYO QM oo ka wada hadlay iskaashiga labada dhinac 30/08/2022 Dhageyso;- Warka Duhur ee Idaacada Warsan 28/04/2022 Fariintada Nogu soo dir E-mail Adres warsanradiobidoa@gmail.com warsannews@yahoo.com Leave a Comment Cancel Reply Save my name, email, and website in this browser for the next time I comment.