laamaha Amniga oo gacanta ku dhigay Kooxo Burcad ah & waxyaabaha maanka dooriya written by Warsan Radio 06/07/2022 Ciidamada kala duwan ee Booliska Soomaaliya oo ay wehlinayaan kuwa NISA ayaa Magaalada Muqdisho ka bilaabay howlgallo lagu xaqiijinayo Alniga Caasimadda, kadib markii ay Magaalada kusoo bateen Kooxo burcad ah oo dadka dilaya kadibna dhac u geeysanaya.Ciidamada ayaa xalay howlgallo ka sameeyay degmooyin katirsan Gobolka Banaadir, sida, Waaberi, Hodan iyo Dharkeenleey, iyaga oo gacanta ku dhigay Kooxo hubeysan oo Burcad ah, Ciyaal weero iyo waxyaabaha Maanka dooriya.Afhayeenka Ciidamada Booliska Soomaaliya Cabdifitaax Aadan Xasan oo la hadlay Warbaahinta ayaa sheegay in intii uu socday howlgalka lagu soo qabtay dad aan aheyn Ciidan oo Magaalada Muqdisho ku dhex watay hub sharci darro ah iyo Maandooriye farabadan, sida Xashiishka iyo Khamriga.Waxaa uu hadalkiisa uu intaasi kudaray in marnaba Ciidamada Booliska Soomaaliya aysan aqbali doonin in la dhibaateeyo dadka Shacabka, isaga oo dhinaca kale Shacabka ugu baaqay inay Ciidamada kala Shaqeeyaan sugida Amniga iyo ka hortagga Kooxaha Burcadda ah.Waxaa uu markale ku celiyay Afhayeenka in Ciyaal weeradii dadka dhibaatada ku haayay ay isku bedeleen kuwo Gaangis ah oo dadka dhibaateeyo, isaga oo Waalidiinta uga digay inay soo daba galaan Ciyaal weerada lagu soo qabtay, iyaga oo faraha kula jira falal liddi ku ah Amniga.Howlgalkan Ciidamada Booliska iyo kuwa NISA ay ka sameeyeen Magaalada Muqdisho ayaa daba socday kadib markii shalay Taliska Ciidamada Booliska Soomaaliya uu ku dhawaaqay in Muqdisho laga bilaabayo howlgallo ka dhan ah Kooxaha Burcadda ah iyo Ciyaal weerada. laamaha Amniga oo gacanta ku dhigay Kooxo Burcad ah & waxyaabaha maanka dooriya was last modified: July 6th, 2022 by Warsan Radio 0 comment 0 Facebook Twitter Google + Pinterest previous post Madaxweyne Xasan Sheekh oo booqday Xero lagu tababaro Ciidanka Soomaaliya next post Dhageyso:-Warka Duhurnimo ee Radio Warsan You may also like RW Xamse oo tababar u soo xiray Saraakiil katirsan Ciidanka xoogga dalka 24/08/2023 Dowladda oo ka shirtay saameynta dalka ee COVID-19 22/05/2020 SAWIRRO:Kormeeraha Waxbarashada gobolka Bakool oo booqday Iskuuladii dhawaan Manhajka cusub lagaarsiiyey 22/01/2020 Akhriso:-Wasiir Ku Xigeenka Wasaaradda Arrimaha Dibada oo Shaqada Laga Joojiyey 09/08/2018 WFP, is looking for a Programme Policy Officer in Dolow to support our mission for Zero Hunger in Somalia. 21/08/2021 Ammaanka Nairobi oo si weyn loo adkeeyay cabsi laga qabo weeraro Shabaab fuliyaan 29/01/2022 Somalia iyo Russia oo ka wada hadlay xiriirka labada waddan 16/04/2021 Diiwaangelinta musharrixiinta xilka Madaxweynaha Soomaaliya oo Maanta bilaabaneysa 08/05/2022 Saaxiibada Caalamka Waxay Soo Dhaweynayaan Dhaarinta Baarlamaanka; Waxayna Ku Baaqayaan in Si Deg Deg ah Loo Dhameystiro Hanaanka Doorashada 14/04/2022 Akhriso:-Iskahorimaad Sababay Dhimasho iyo dhaawac oo kadhacay Maanta Gaalkacyo 22/06/2019 Fariintada Nogu soo dir E-mail Adres warsanradiobidoa@gmail.com warsannews@yahoo.com Leave a Comment Cancel Reply Save my name, email, and website in this browser for the next time I comment.