Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka ah ee Soomaaliya Xasan Cali Khayre ayaa guddoomiyay shirka jogtada ah ee Guddiga Qaran ee xakameynta COVID19, kaas oo looga hadlo arrimo dhowr ah.
Kulanka oo u qabsoomay qaab muuqaal Mareegta Internet-ka ah ayaa waxaa diiradda lagu saaray qiimeyn guud oo lagu sameeyay saameynta uu dalka ku reebi karo safmarka Covid19, maadaama uu billowday hoos u dhaca heerka faafitaankiisa.
Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Khayre ayaa Guddiga ka hortagga faray dar dargelinta howlaha looga hortagayo faafitaanka dalka ee Cudurka Coronavirus iyo fatahaadaha ka jira meelo kamid ah dalka Soomaaliya.
Cudurka COVID-19 ayaa waxaa laga helay Magaalada Muqdisho iyo Dowlad goboleedyada kajira dalka,waxaana dowladda iyo Maamul Goboleedyada ay wadaan sidii looga hortegi lahaa faafitaanka Cudurka.