Soomaaliland ayaa markale soo saartay Go’aano Cusub oo ku saabsan Maalmaha ciida,kuwaas oo ay sheegeen in looga hortagayo faafinta Cudurka Safmareenka ah ee COVID-19 oo kiisas kamid ah laga helay deegaanadaas.
Madaxweyne kuxigeenka Soomaaliland Cabdiraxmaan Cabdullaahi Ismaaciil (Saylici) ayaa sheegay in la joojiyey isku socodka Gaadiidka dadweynaha Magaalooyinka Soomalailand iyo isku imaatinka la xiriira damaashaadka Ciida.
Waxaa uu hadalkiisa intaasi ku daray in marnaba aan la ogolaan doonin Xafladaha iyo casuumadaha Hoteelada lagu dhigo,go’aanadaas dhamaantoodna ay yihiin kuwo looga hortagayo faafitaanka Cudurka COVID-19.
Soomaaliland ayaa waxaa ay kamid tahay deegaannada laga helay Cudurka Coronavirus kiisas kamid ah,waxaana ilaa iyo hadda deegaannadaas laga diiwaangeliyay 131 kiis halka 11 Ruux ay u geeriyoodeen xanuunka.