laamaha Amniga oo gacanta ku dhigay Kooxo Burcad ah & waxyaabaha maanka dooriya written by Warsan Radio 06/07/2022 Ciidamada kala duwan ee Booliska Soomaaliya oo ay wehlinayaan kuwa NISA ayaa Magaalada Muqdisho ka bilaabay howlgallo lagu xaqiijinayo Alniga Caasimadda, kadib markii ay Magaalada kusoo bateen Kooxo burcad ah oo dadka dilaya kadibna dhac u geeysanaya.Ciidamada ayaa xalay howlgallo ka sameeyay degmooyin katirsan Gobolka Banaadir, sida, Waaberi, Hodan iyo Dharkeenleey, iyaga oo gacanta ku dhigay Kooxo hubeysan oo Burcad ah, Ciyaal weero iyo waxyaabaha Maanka dooriya.Afhayeenka Ciidamada Booliska Soomaaliya Cabdifitaax Aadan Xasan oo la hadlay Warbaahinta ayaa sheegay in intii uu socday howlgalka lagu soo qabtay dad aan aheyn Ciidan oo Magaalada Muqdisho ku dhex watay hub sharci darro ah iyo Maandooriye farabadan, sida Xashiishka iyo Khamriga.Waxaa uu hadalkiisa uu intaasi kudaray in marnaba Ciidamada Booliska Soomaaliya aysan aqbali doonin in la dhibaateeyo dadka Shacabka, isaga oo dhinaca kale Shacabka ugu baaqay inay Ciidamada kala Shaqeeyaan sugida Amniga iyo ka hortagga Kooxaha Burcadda ah.Waxaa uu markale ku celiyay Afhayeenka in Ciyaal weeradii dadka dhibaatada ku haayay ay isku bedeleen kuwo Gaangis ah oo dadka dhibaateeyo, isaga oo Waalidiinta uga digay inay soo daba galaan Ciyaal weerada lagu soo qabtay, iyaga oo faraha kula jira falal liddi ku ah Amniga.Howlgalkan Ciidamada Booliska iyo kuwa NISA ay ka sameeyeen Magaalada Muqdisho ayaa daba socday kadib markii shalay Taliska Ciidamada Booliska Soomaaliya uu ku dhawaaqay in Muqdisho laga bilaabayo howlgallo ka dhan ah Kooxaha Burcadda ah iyo Ciyaal weerada. laamaha Amniga oo gacanta ku dhigay Kooxo Burcad ah & waxyaabaha maanka dooriya was last modified: July 6th, 2022 by Warsan Radio 0 comment 0 Facebook Twitter Google + Pinterest previous post Madaxweyne Xasan Sheekh oo booqday Xero lagu tababaro Ciidanka Soomaaliya next post Dhageyso:-Warka Duhurnimo ee Radio Warsan You may also like Dhageyso: Barnaamijka Klanka Warsan 25/07/2023 Beesha Caalamka oo ka hor-timid kulamada BF, kuna baaqday heshiis laga gaaro doorashada 29/06/2020 Madaxweyne Xasan Sheekh oo Guddoomiyay Shirka Golaha Wasiirada 05/01/2023 Madaxweyne Farmaajo oo la kulmaya Madaxda maamul goboleedyadda 15/04/2017 Akhriso:-Indonesia oo markab Deeq ku wareejisay Dowladda Soomaaliya 05/06/2017 Midowga Yurub Oo War Kasoo Saaray Ciidanka Milateriga Ee Ku Sugan Muqdisho 03/05/2021 Midowga Yurub oo dib u eegaya siyaasadaha ay kula macaamilaan muhaajiriinta 27/01/2023 RW Rooble oo soo dhaweeyay liiska Xildhibaannada labada Aqal ee la soo saaray 01/04/2022 Xiisadda ka taagan Galmudug oo sii xoogeysanaysa 08/10/2021 Akhriso:- Nin hubeys-naa oo xilligii salaadda jimcaha ee dalka New Zealand ku dilay toogasho illaa 49 ruux, 15/03/2019 Fariintada Nogu soo dir E-mail Adres warsanradiobidoa@gmail.com warsannews@yahoo.com Leave a Comment Cancel Reply Save my name, email, and website in this browser for the next time I comment.