Madaxweyne Xasan Sheekh oo Guddoomiyay Shirka Golaha Wasiirada written by Warsan Radio 05/01/2023 Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo uu wehelinayo Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Xamse Cabdi Barre ayaa guddoomiyey shirka todobaadlaha ah ee Golaha Wasiirrada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya oo looga hadlay hirgalinta qorsheyaasha wax-qabadka hay’adaha dowladda ee sanadka 2023.Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo ku bogaadiyay Golaha Wasiirada diyaarinta qorshe sanadeedka waafaqsan hiigsiga qaran ee horumarka, xoreynta dalka iyo dib u dhiska ciidamada Qaranka ayaa markale adkeeyay in sanadka 2023 uu yahay sanadka dib u xoreynta dalka iyo dhammeystirka dhismaha hay’adaha dowladda.Madaxweynaha oo xusay ahmiyadda qorsheyaasha sanadkan loo madlanyahay hirgalintooda ayaa faray Golaha Wasiirada in si mas’uuliyad wadareed ah ay waajibaadkooda u gutaan iyaga oo mudnaan gaar ah siinaya isla xisaabtanka si loo xaqiijiyo himilooyinka ay muddada dheer ku taamayaan shacabka Soomaaliyeed.Madaxweynaha Jamhuuriyadda ayaa sidoo kale ka dalbaday Golaha Wasiirada in si degdeg ah loo gaarsiiyo adeegyada dowladda deeganada laga saaray Al-Shabaab, iyada oo la hubinayo tayada Mashaariicaha dalka laga fulinayo in ay yihiin kuwo waxtar waara u leh bulshada. Madaxweyne Xasan Sheekh oo Guddoomiyay Shirka Golaha Wasiirada was last modified: January 5th, 2023 by Warsan Radio 0 comment 0 Facebook Twitter Google + Pinterest previous post Odayaal & Waxgarad ku dhawaaqay in Somaliland u ogolaan doonin Magaalada Laas-Caanood. next post Millateriga Somaliland oo shaaciyay sababta keentay in ay ka baxaan guddaha Laascaanood You may also like Weerar toorey loo adeegsaday oo ka dhacay bartamaha magaalada London 16/09/2022 Dhageyso:-Warka Fiidnimo ee Radio Warsan 17/05/2022 Dhageyso:-Dowlada koonfur galbeed ayaa soo dhawaysay hogaanka cusub ee Ururka suxufiyinta qaranka soomaaliyeed ee NUSOJ kaaso oo muqdisho doorashadiisa ka dhacadey 12/07/2016 Dagaal ka socda magaalada Kharkiv ee dalka Ukraine 27/02/2022 Madaxweyne Lafta-Gareen Oo Magacaabay Agaasimaha Madaxtooyada Koonfur Galbeed 01/09/2020 Itoobiya oo Gantaalada lidka diyaaradaha geysay agagaarka biyo xireenka Wabiga Nile 21/05/2020 dhageyso: Barnaamijka Athiiny ky deyooy 16/01/2023 Dhageeyso:-Warka fiidnimo ee Idaacada Warsan 26/11/2019 Yuusuf Kabaale oo markale loo doortay Xildhibaan Golaha Shacabka 31/01/2022 Emmanuel Macron oo Cunaqabateyn ugu hanjabay Siyaasiyiinta wadanka Lubnaan 02/09/2020 Fariintada Nogu soo dir E-mail Adres warsanradiobidoa@gmail.com warsannews@yahoo.com Leave a Comment Cancel Reply Save my name, email, and website in this browser for the next time I comment.