Shirka dalalka IGAD oo Maalintii labaad galay & Soomaaliya oo ka qeyb galeysa written by Warsan Radio 06/07/2022 Waxaa Maalintii labaad oo xiriir ah Magaalada Nairobi ee Caasimadda dalka Kenya uu uga socda Madaxweynayeyaasha iyo wakiilada qaar kamid ah waddamada Urur Gobboleedka IGAD kulankii 39-aad ee aan caadiga ahayn, kaas oo shalay furmay.Shirka oo uu guddoominayo Madaxweynaha dalka Kenya Uhuru Kenyatta ayaa waxaa Maalintii Koowaad ee shalay looga hadlay sidii xal loogu heli lahaa dhibaatooyinka hareeyay gobbolka, sida colaadaha iyo abaaraha ka jira inta badan wadamada IGAD.Soomaaliya waxaa shirkaas uga qeyb galaya Ra’iisul Wasaare kuxigeenka dalka Mahdi Maxamed Guuleed (Khadar) oo matalaya Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.Madaxweyne Uhuru Kenyatta ayaa ugu baaqay madaxda IGAD inay ka wada shaqeeyaan sidii xal waara loogu heli lahaa caqabadaha khatarta ku ah nabadda iyo ammaanka gobolka.Madaxweynahu waxa uu sheegay in ay ka mid yihiin caqabadaha, xagjirnimada gacan ka hadalka ah, abaaraha iyo colaadaha hubaysan ee u baahan in madaxda IGAD ay si degdeg ah wax uga qabtaan.Waxaa la filayaa in geba-gabada shirka ay Madaxda dalalka IGAD shirkooda kasoo saaraan Warmurtiyeed ay kaga hadlayaan waxyaabihii ay ku heshiiyeen. Shirka dalalka IGAD oo Maalintii labaad galay & Soomaaliya oo ka qeyb galeysa was last modified: July 6th, 2022 by Warsan Radio 0 comment 0 Facebook Twitter Google + Pinterest previous post Weerar dad lagu dilay oo markale ka dhacay Mareykanka next post Muwaadin Soomaaliyeed oo 17 sano u xirnaa dowladda Talyaaniga oo qarax lagu dilay Muqdisho You may also like Dhageyso:-Barnaamijka Kulanka Warsan 21/06/2022 Diyaarad nooca xamuulka oo ku burburtay Doolow 04/11/2021 Maamulka Puntland oo mamnuucday in salaadda Ciidda lagu dukado Masaajidada 21/05/2020 Israa’iil iyo Falastiin oo heshiis xabbad joojin gaaray 21/05/2021 Diiwaangelinta Musharrixiinta xilka Madaxweynaha oo ka socota Muqdisho 09/05/2022 Dhageyso:-Warka Fiidnimo ee Idaacada Warsan 12/06/2021 Qarax Is-miidaamin ah oo Maanta lala beegsaday Dhallinyaro Muqdisho ku qoraneysay Askarnimo 03/12/2023 Dhageyso;- Warka Fiidnimo ee Idaacada Warsan 29/01/2022 Dhageyso:-Warka Galab ee Idaacada Warsan 22/11/2020 Turkiga oo badbaadiyey Tahriibayaal 19/07/2021 Fariintada Nogu soo dir E-mail Adres warsanradiobidoa@gmail.com warsannews@yahoo.com Leave a Comment Cancel Reply Save my name, email, and website in this browser for the next time I comment.