Al-Shabaab oo fagaare ku toogtay 7 Ruux written by Warsan Radio 31/07/2022 Xubno katirsan Ururka Al-Shabaab ayaa fagaaro kuyaalla degaanka Buulaay ee Gobolka Baay waxaa ay ku tooogteen 7 rag ah oo ay ku eedeeyeen inay basaas u ahaayeen dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya, dowladda Mareykanka iyo Maamulka Koonfur Galbeed.Fagaaraha oo ay ku sugnaayeen Boqolaal Ruux oo ay ku amreen inay kasoo qeyb galaan daawashada toogashada raggaas ayaa sidoo kale waxaa ku sugnaa saraakiil katirsan Al-Shabaab, waxaana ragga la toogtay ay Magacyadooda kala ahaayeen.1:- Ceymooy Geedi Aadan oo Al-Shabaab ku eedeeyeen in uu la Shaqeeynayay Maamulka Koonfur Galbeed uuna kusoo hoggaamiyay rag katirsan Al-Shabaab oo la dilay.2: Cadaawe Cabdullaahi Dhicisow oo lagu eedeeyay in uu la Shaqeeynayay Sirdoonka Mareykanka, Isla markaana uu u gudbiyay Mareykanka warbixino kusaabsan saraakiil katirsan Al-Shabaab.3-: Cali Maxamed Madoowe oo Al-Shabaab ku eedeeyeen in uu katirsanaa Maamulka Koonfur Galbeed, Isla markaana uu kala Shaqeeyay weerar Maamulka Koonfur Galbeed ay kudileen Saraakiil katirsan Al-Shabaab.4: Colaad Cabdiraxmaan Maxamed oo ay Al-Shabaab ku eedeeyeen in uu la Shaqeeynayay Sirdoonka Mareykanka, Isla markaana uu qeyb ka ahaa duqeyn lagu dilay Sarkaal katirsan Al-Shabaab.5:- Cabdiraxmaan Isaaq Ibraahim oo Al-Shabaab ku eedeeyeen in uu la Shaqeeynayay Sirdoonka, Isla markaana uu ka qeyb qaatay duqeyn lagu dilay Saraakiil katirsan Ururka Al-Shabaab.6: Towfiiq Jinow Aadan oo sidoo kale Al-Shabaab ku eedeeyeen in uu la Shaqeeynay Sirdoonka, Isla markaana uu ka qeyb qaatay duqeyn lagu dilay Sarkaal katirsan Al-Shabaab.7:- Mayow Maxamed Yarow oo Al-Shabaab ku eedeeyeen in uu katirsan tahay Ciidamada Koonfur Galbeed ee ka Shaqeeynayay degmada Diinsoor, kaas oo dhowr jeer la dagaalamay Al-Shabaab.Al-Shabaab ayaa dhwr jeer sidaan oo kale Fagaarayaal kuyaalla degaannada ay maamulaan waxaa ay ku toogteen rag ay ku eedeeyeen inay la Shaqeeynayeen dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya, Maamul Goboleedyada iyo dowladaha Caalamiga ah ee taageera Soomaaliya. Al-Shabaab oo fagaare ku toogtay 7 Ruux was last modified: July 31st, 2022 by Warsan Radio 0 comment 0 Facebook Twitter Google + Pinterest previous post laamaha Amniga oo gacanta ku dhigay Kooxo Burcad ah & hub ay wax ku dhacayeen next post Sawirro:-Madaxweyne Lafta Gareen oo la kulmay wafdi ka socday QM You may also like Xoghayihii Ugu Horreeyay Ee Arrimaha Dibadda Dalka Mareykanka Oo Geeriyootay 24/03/2022 Dhageeyso:-Warka fiidnimo ee Idaacada Warsan 31/08/2019 WAR-SAXAAFADEED WADAJIR AH Saaxiibada Beesha Caalamka Waxay Ku Baaqayaan in Isxakamayn iyo Wadahadal iyo in Dib Diiradda Loo Saarao Doorashada 27/12/2021 Wafdi maanta ku wajahan Magaalada Baraawe 15/06/2023 Dhageyso:-Warka Duhur ee Idaacada Warsan 14/09/2022 DHAGEYSO:-KULAN AY ISGU YIMAADEEN GUDIGA GANACSATADA GURMADKA ABARAH GOBOLKA BAY, 13/01/2017 Dhageyso:-Barnaamijka Kaalinta Dadka Dagan Magaalooyinka Loo Soo Barakacay 6Qibtii. 01/07/2017 Akhriso:-Koox Bastoolado ku hubeysan oo Dilal ka kala geystey magaalooyinka Afgooye iyo Boosaaso 28/12/2018 Maamulka Jubbaland oo Maanta dil toogasho ku fuliyay Askar dil geysatay 17/11/2022 Soomaaliya iyo Shiinaha oo ka wadahadlay iskaashiga dhanka gacacsiga 08/09/2021 Fariintada Nogu soo dir E-mail Adres warsanradiobidoa@gmail.com warsannews@yahoo.com Leave a Comment Cancel Reply Save my name, email, and website in this browser for the next time I comment.