laamaha Amniga oo gacanta ku dhigay Kooxo Burcad ah & hub ay wax ku dhacayeen written by Warsan Radio 31/07/2022 Talisyada Ciidamada Booliska iyo Nabadasugida Gobolka Banaadir & Ciidamada sida gaarka ahย u tababaran ee Booliska Haramcad ayaa xalay howgal ballaaran oo amniga lagu xaqiijinayay ka sameeyay Guud ahaan Degmada Kaaraan ee Gobolka Banaadir, halkaas oo ay ku bateen falalka amni darro.Howlgalka oo ay hoggaaminayeen taliyaha qeybta booliska Gobolka Banaadir Farxaan Maxamuud Qaroole iyo Taliyaha qeybta Bari ee Booliska Cali Calasow Goofjooge ayaa waxaa lagu soo qabtay Qamri farabadan oo ah Kan dalka dibaddiisa laga keeno, Calaq oo dalka lagu farsameeyo, Xashiish, Kooxo Burcad ah iyo hubkii ay wax ku dhici jireen.Taliyaha qeybta Bari ee Booliska Gobolka Banaadirย Cali Calasow Goofjooge oo howlgalka kadib Warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in howlgalka dadka lagu qabtay baaritaano dheeri ah lagu sameyn doono, isla markaana cid kasta oo lagu helo inay qeyb ka aheyd amni darrada tallaabo laga qaadi doono.Sidoo kale wuxuu sheegay in howlgalkaan uu noqon doono mid si joogto ah looga sameyn doono Magaalada Muqdisho si Amniga Magaalada loo hagaajiyo, wuxuuna Shacabka ugu baaqay inay Ciidamada kala Shaqeeyaan sugida Amniga.Ugu dambeyn Guddoomiyaha Maamulka degmada Kaaraan Abshir Maxamuud Maxamed ayaa sheegay inย Kooxaha Burcadda ah ay yihiin kuwo ku dhuumanaya Guryaha, wuxuuna Shacabka uga digay inay qariyaan, isaga oo sheegay in qofkii qariya uu lamid yahay dambiilaha.Degmada Kaaraan ee Gobolka Banaadir ayaa waxaa ay noqotay mid amnigeeda bilihii la soo dhaafay aad looga deeyrinayay,waxaana Kooxo Burcad ah iyo Ciyaal weero ay dad badan kudileen kuwo kalena ay taleefoono ka qaateen. laamaha Amniga oo gacanta ku dhigay Kooxo Burcad ah & hub ay wax ku dhacayeen was last modified: July 31st, 2022 by Warsan Radio 0 comment 0 Facebook Twitter Google + Pinterest previous post Puntland & dowlad degaanka Soomaalida oo heshiis Amni wada gaaray next post Al-Shabaab oo fagaare ku toogtay 7 Ruux You may also like AfDB oo $ 25.1 milyan oo cusub ku taageeray Somalia 29/07/2020 Ciidamada Itoobiya ee ku sugnaa degmada Doolow oo deg deg looga qaaday 20/12/2022 Maxay Raisal Wasaare Rooble iyo dhigiisa Boris Johnson uga wadahadleen kulankoodii UK? 01/08/2021 Maxay ka wada hadleen ย Wasiirka Arrimaha Dibaddaย Itoobiya iyo Marwo Catriona Laing? 02/05/2024 Dhageyso;- Warka Fiidnnimo ee Idaacada Warsan 03/09/2022 WAFDI KA SOCDA MIDOWGA YURUB OO BAYDHABO SOO GAAREY 21/04/2018 Dowladda Federaalka oo ka Warbixisay khasaaraha ka dhashay Howlgal culus oo dhacay 16/02/2023 Dhageyso:-Barnaamijka Kaalinta Dadka Dagan Magaalooyinka Loo Soo Barakacay 6Qibtii. 01/07/2017 Bulshada rayidka ah ee Soomaaliya oo walaac ka muujiyay khilaafka madaxweyne Farmajao iyo Raysal Wasaare Roobl 14/09/2021 Wasaaradda Batroolka iyo Macdanta XFS oo qabatay shir ku saabsan sharciyada hortabinta u leh dalka (sawirro) 07/09/2020 Fariintada Nogu soo dir E-mail Adres warsanradiobidoa@gmail.com warsannews@yahoo.com Leave a Comment Cancel Reply Save my name, email, and website in this browser for the next time I comment.