Itoobiya” Waxaan dilnay 800 oo ka tirsan ururka Al-Shabaab” written by Warsan Radio 06/08/2022 Madaxweynaha Dowlad Deegaanka Soomaalida ee bariga Itoobiya ku yaalla ayaa sheegay in 800 oo ka tirsan ururka Al-Shabaab ay ku dileen dagaalladii ugu dambeeyay kaddib weerarro dhif ah oo ay kooxdu ku qaadeen xaafadaha ku teedsan xadka Soomaaliya iyo Itoobiya.Madaxweyne Mustafa Muxumed Cumar ayaa maanta sheegay in qiyaastii boqol kale la soo qabtay. Hadalkiisan looma xaqiijin karo si madax bannaan.Weerarradii horraantii July dhacay, ayay kooxda Al-Shabaab ku sheegteen inay dileen dhowr sarkaal oo ka tirsan ciidamada Dowlad Deegaanka. Maamulka gobolka ayaa bilaabay howlgallo ay isla sameynayeen ciidamada federaalka.Itoobiya ayaa hore u sheegtay in saddex ka tirsan Al-Shabaab lagu dilay howlgal ay gacan ka geysteen duqeymaha cirka, taas oo ay kooxdu beenisay.Mustafa ayaa hore golaha gobolka ugu sheegay in Itoobiya ay dooneyso inay sameyso aag ka tirsan Soomaaliya oo la isaga caabbiyo weerarrada noocan oo kale ah.Hadalkan uu maanta jeediyay ayuu ku sheegay inay socdaan dadaallada lagu hubinayoin kooxdu “aysan marnaba ku dhiirran inay usoo dhowaato xadka”. Itoobiya” Waxaan dilnay 800 oo ka tirsan ururka Al-Shabaab” was last modified: August 6th, 2022 by Warsan Radio 0 comment 0 Facebook Twitter Google + Pinterest previous post Carruur walaalo ah oo miino kula qaraxday gobolka Togdheer next post Maraykanka oo $127 million oo dollar oo cusub ugu deeqay qaaradda Afrika You may also like Ethopia oo duqeeyn Diyaraded ka geeystay caasimada Tigray 27/08/2022 Ra’iisul Wasaaraha Xukumada soomaliya Xamse Cabdi barre oo gaaray magaalada WadankaTunuusiya 27/08/2022 Dhageyso:-Barnaamijka Kulanka Warsan 12/07/2021 Dhageso:-Warka Duhur ee Idaacada Warsan 18/11/2021 Akhriso:-howlgal ka dhan ah Al-Shabaab oo AMISOM ku dhawaaqday in ay bilaabi doonto Sanadka Cusub 23/12/2018 NISA oo sheegtay in xilka laga qaaday hoggaamiyaha Al-shabaab 29/08/2020 Dhageyso: Warka Fiidnimo ee Idaacada Warsan 16/10/2022 Dhageyso:-Warka Fiidnimo ee Idaacada Warsan 06/11/2020 Akhriso:-Dowlada Federalka oo amar deg-deg ah dul dhigtey madaxda maamul goboleedyada 07/09/2018 Mooshin lagu dalbanayo kuraasta Aqalka Sare ee Gobalka Banaadir ay noqoto 13 Senator oo loo gudbiyay 24/06/2020 Fariintada Nogu soo dir E-mail Adres warsanradiobidoa@gmail.com warsannews@yahoo.com Leave a Comment Cancel Reply Save my name, email, and website in this browser for the next time I comment.