Itoobiya” Waxaan dilnay 800 oo ka tirsan ururka Al-Shabaab” written by Warsan Radio 06/08/2022 Madaxweynaha Dowlad Deegaanka Soomaalida ee bariga Itoobiya ku yaalla ayaa sheegay in 800 oo ka tirsan ururka Al-Shabaab ay ku dileen dagaalladii ugu dambeeyay kaddib weerarro dhif ah oo ay kooxdu ku qaadeen xaafadaha ku teedsan xadka Soomaaliya iyo Itoobiya.Madaxweyne Mustafa Muxumed Cumar ayaa maanta sheegay in qiyaastii boqol kale la soo qabtay. Hadalkiisan looma xaqiijin karo si madax bannaan.Weerarradii horraantii July dhacay, ayay kooxda Al-Shabaab ku sheegteen inay dileen dhowr sarkaal oo ka tirsan ciidamada Dowlad Deegaanka. Maamulka gobolka ayaa bilaabay howlgallo ay isla sameynayeen ciidamada federaalka.Itoobiya ayaa hore u sheegtay in saddex ka tirsan Al-Shabaab lagu dilay howlgal ay gacan ka geysteen duqeymaha cirka, taas oo ay kooxdu beenisay.Mustafa ayaa hore golaha gobolka ugu sheegay in Itoobiya ay dooneyso inay sameyso aag ka tirsan Soomaaliya oo la isaga caabbiyo weerarrada noocan oo kale ah.Hadalkan uu maanta jeediyay ayuu ku sheegay inay socdaan dadaallada lagu hubinayoin kooxdu “aysan marnaba ku dhiirran inay usoo dhowaato xadka”. Itoobiya” Waxaan dilnay 800 oo ka tirsan ururka Al-Shabaab” was last modified: August 6th, 2022 by Warsan Radio 0 comment 0 Facebook Twitter Google + Pinterest previous post Carruur walaalo ah oo miino kula qaraxday gobolka Togdheer next post Maraykanka oo $127 million oo dollar oo cusub ugu deeqay qaaradda Afrika You may also like Madaxweyne Trump oo beeniyey inuu aflagaadeeyey Askartii dhimatay ee Maraykanka 05/09/2020 FESOJ oo Taageertay Ishor istaagga Qareennada Gurbiye ee Kiiska Villa Somalia 07/07/2020 Dhageyso:-Odayaal Iyo Waxgarad War Ka Soo Saaray Dagaalka Gobolka Mudug 26/09/2017 Madaxweyne farmaajo oo heshiis la gaaray madaxweynaha Eritrea 05/10/2020 DHAGEYO:KOOXO HUBEYSAN OO DHAC KA GEYSTEY DULEEDKA BUURHAKABA OO LA QABTAY 23/12/2016 Ra’iisal Wasaare Xamse oo booqday Xerada Turki -Som 01/08/2023 Dhageyso:- Warka Galabnnimo ee Idaacada Warsan 25/08/2022 DHAGEYSO:SARAAKIL IYO MAAMULKA GOBLKA BAKOOL OO BOOQDEY DEEGAANKA TEED. 22/07/2018 DHAGEYSO:-Waziir Dowlaha Wazaarada Ganacsiga oo ku biiray loolanka loogu jiro qabashada gudoonka Baarlamaanka. 23/04/2018 Xiisad ka taagan degaano ay ku dagaalameen laba Maleeshiyo Beeleed 16/12/2023 Fariintada Nogu soo dir E-mail Adres warsanradiobidoa@gmail.com warsannews@yahoo.com Leave a Comment Cancel Reply Save my name, email, and website in this browser for the next time I comment.