Diyaarado duqeyn ka geystay degaano katirsan Gobolka Hiiraan written by Warsan Radio 07/08/2022 Wararka naga soo gaaraya Gobolka Hiiraan ayaa waxaa ay sheegayaan in Maanta diyaarado dagaal oo ay leedahay dowladda Itoobiya ay duqeyn dhinaca cirka ah ka geysteen degaano hoostaga degmada Matabaan ee Gobolkaasi Hiiraan.Diyaaradaha ayaa duqeymaha sigaar ah uga geystay buurta surtaag oo ku aadan deegaanka bacda iyo degaannada Qabno iyo Coowmaad oo kuyaalla inta u dhaxeeysa degmooyinka Mataaan & Maxaas, halkaas ay fariisin ku leeyihiin Xubno katirsan Ururka Al-Shabaab, sida dadka degaanka ay sheegeen.Goobjoogayaal ayaa ku waramay inay maqlayeen dhawaqa weerarka duqeynta ah , balse ilaa iyo hadda aysan cadeyn karin khasaaraha nafeed iyo midka hantiyadeed ee ka dhashay duqeyntaas.Degaanada duqeynta Maanta laga fuliyay degaano hoostaga degmada Matabaan ee Gobolka Hiiraan ayaa waxaa u dhow degaano ay dhawaan howlgallo ka fuliyeen Ciidamada xoogga dalka Soomaaliyeed oo uu horkacayay Guddoomiyaha Maamulka Gobolka Hiiraan Cali Jeyte Cismaan.Dowladda Itoobiya ayaa duqeyn dhinaca cirka ah ka bilaawday gudaha Soomaaliya tan iyo markii Xubno ka tirsan Al-Shabaab ay weerar ku qaadeen degaano katirsan dhulka dowlad degaanka Soomaalida oo ay maamusho Itoobiya. Diyaarado duqeyn ka geystay degaano katirsan Gobolka Hiiraan was last modified: August 7th, 2022 by Warsan Radio 0 comment 0 Facebook Twitter Google + Pinterest previous post Soomaaliya & Uganda oo kala saxiixday heshiis Amni next post Qarax ka dhacay Magaalada Jowhar You may also like Booliska Soomaaliya oo ku dhawaaqay howlgallo ka dhan ah burcadda & ciyaal weerada 05/07/2022 Madaxweynaha Galmudug oo la kulmay Madaxweynihii hore ee Puntland 11/06/2020 Ururada bulshada rayidka ah ee Soomaaliya oo dowaladda federalka iyo dowlad goboleedyada ugu baaqay inay muujiyaan tanaasul 17/09/2020 Dhageyso:-Warka Galab ee Idaacada Warsan 06/07/2020 Ruushka oo galay Xaalad Dagaal 24/06/2023 Dhageyso;- Warka Fiidnimo ee Idaacada Warsan 15/07/2022 Rooble oo amar culus oo 4-qodob ah dul dhigay wasiirrada xukuumaddii Kheyre 05/10/2020 Akhriso:-Bankiga Aduunka oo lacag dhan $ 50 Million ugu deeqay Soomaaliya 01/06/2017 Maamulka Galmudug oo beenisay in la isku mari la’yahay shirka Dhuusomareeb 22/07/2020 RW Rooble oo bayaan ka soo saaray qoraalkii ka soo baxay xafiiska Madaxweynaha 17/09/2021 Fariintada Nogu soo dir E-mail Adres warsanradiobidoa@gmail.com warsannews@yahoo.com Leave a Comment Cancel Reply Save my name, email, and website in this browser for the next time I comment.