Golaha Shacabka oo Maanta codka kalsoonida u qaadaya Xukuumadda cusub written by Warsan Radio 07/08/2022 Xildhibaannada Golaha Shacabka ee Baarlamanka Soomaaliya ayaa Maanta yeelanaya Kulan aan caadi aheyn, iyada oo Ra’iisul Wasaare Xamse Cabdi Barre uu horgeyn doono Golihiisa Wasiirada ee dhawaan uu Magacaabay.Guddoonka Golaha Shacabka ayaa ku wargeliyay Xildhibaannada Golaha Shacabka in Maanta Xarunta Villa Hargeysa uu ka dhacayo Kulanka Golaha, Isla markaana Ajandaha uu yahay u codeynta Xukuumadda cusub iyo Barnaamijkeeda.Ka hor cod u qaadista Golaha Wasiirada ayaa la filayaa in Ra’iisul Wasaare Xamse Cabdi Barre uu hadal u jeediyo Xildhibaannada Golaha Shacabka, isaga oo soo bandhigi doona Barnaamijka xukuumaddiisa, kana codsan doono Golaha Shacabka inay Xukuumadda u ansixiyaan.Tan iyo makii la Magacaabay Golaha Wasiirada Soomaaliya ayaa waxaa jiray kulamo gaar gaar ah oo Golaha Magacaaban ay la yeelanayeen Xildhibaannada ku matala Golaha Shacabka, iyaga oo weeydiisanayay inay codka kalsoonida siiyaan.Waxaa jira xildhibaannada Beelaha qaarkood oo aad u saluugsan hanaanka loo soo dhisay Golaha Wasiirada cusub, kuwaas oo qaarkood sheegay in lagu xadgudbay saami qeybsiga Beelaha, balse Maanta laga warsugayo go’aanka ay gaaraan Xildhibaannada Golaha Shacabka. Golaha Shacabka oo Maanta codka kalsoonida u qaadaya Xukuumadda cusub was last modified: August 7th, 2022 by Warsan Radio 0 comment 0 Facebook Twitter Google + Pinterest previous post Israa’iil & Falastiiniyiinta oo Gantaalo is dhaafsaday next post Soomaaliya & Uganda oo kala saxiixday heshiis Amni You may also like Siyaasiyiinta Madasha Xisbiyada oo markale dowladda dhaliilay 21/06/2020 Madaxweynaha Jubbaland oo la kulmay Wakiilka Midowga Yurub 11/03/2021 AKHRISO:-Markabkii labaad oo ku xiran la’ Dekeda Muqdisho iyo cabsi laga qabo inuu caariyo 29/03/2017 Booliska Nigeria oo lagu eedeeyay toogashada haaweeney xaamilo ah 28/12/2022 Degaamo Ka Tirsan Bakool Oo Alshabaab-lagala-wareegay Ciiadamo Daacad U aha Roobow iyo Cidanka KGS 25/10/2017 Bandowgii Magaalada Muqdisho oo aad loo qafiifiyay iyo taliyahii booliska Boondheere oo xilka laga qaaday 25/04/2020 Wasaaradda Caafimaadka oo Shaacisey Xaaladihii ugu dambeeyay xanuunka COVID-19 ee dalka 14/07/2020 Dowladda Soomaaliya oo dacwad ka dhan ah Kenya u gudbisay Golaha Ammaanka 15/06/2021 Faah faahin: Hoobiyeyaal kusoo dhacay xaafaddo ka tirsan Muqdisho 01/10/2023 Dhageyso:-Barnaamijka Beeraha 21/12/2020 Fariintada Nogu soo dir E-mail Adres warsanradiobidoa@gmail.com warsannews@yahoo.com Leave a Comment Cancel Reply Save my name, email, and website in this browser for the next time I comment.