Golaha Shacabka oo Maanta codka kalsoonida u qaadaya Xukuumadda cusub written by Warsan Radio 07/08/2022 Xildhibaannada Golaha Shacabka ee Baarlamanka Soomaaliya ayaa Maanta yeelanaya Kulan aan caadi aheyn, iyada oo Ra’iisul Wasaare Xamse Cabdi Barre uu horgeyn doono Golihiisa Wasiirada ee dhawaan uu Magacaabay.Guddoonka Golaha Shacabka ayaa ku wargeliyay Xildhibaannada Golaha Shacabka in Maanta Xarunta Villa Hargeysa uu ka dhacayo Kulanka Golaha, Isla markaana Ajandaha uu yahay u codeynta Xukuumadda cusub iyo Barnaamijkeeda.Ka hor cod u qaadista Golaha Wasiirada ayaa la filayaa in Ra’iisul Wasaare Xamse Cabdi Barre uu hadal u jeediyo Xildhibaannada Golaha Shacabka, isaga oo soo bandhigi doona Barnaamijka xukuumaddiisa, kana codsan doono Golaha Shacabka inay Xukuumadda u ansixiyaan.Tan iyo makii la Magacaabay Golaha Wasiirada Soomaaliya ayaa waxaa jiray kulamo gaar gaar ah oo Golaha Magacaaban ay la yeelanayeen Xildhibaannada ku matala Golaha Shacabka, iyaga oo weeydiisanayay inay codka kalsoonida siiyaan.Waxaa jira xildhibaannada Beelaha qaarkood oo aad u saluugsan hanaanka loo soo dhisay Golaha Wasiirada cusub, kuwaas oo qaarkood sheegay in lagu xadgudbay saami qeybsiga Beelaha, balse Maanta laga warsugayo go’aanka ay gaaraan Xildhibaannada Golaha Shacabka. Golaha Shacabka oo Maanta codka kalsoonida u qaadaya Xukuumadda cusub was last modified: August 7th, 2022 by Warsan Radio 0 comment 0 Facebook Twitter Google + Pinterest previous post Israa’iil & Falastiiniyiinta oo Gantaalo is dhaafsaday next post Soomaaliya & Uganda oo kala saxiixday heshiis Amni You may also like Dhageyso:- Warka Subaxnnimo ee Idaacada Warsan 28/08/2022 Midowga Yurub oo wax laga xumaado ku tilmaamay 6 qof oo Somaliland xukun qisaas ah ku fulisay 28/11/2020 Tallaalka COVID-19 Oo Maanta laga daahfurey magaalada Xudur ee Bakool 06/04/2021 Dhageeyso:-Warka fiidnimo ee Idaacada Warsan 15/09/2019 Akhriso:-Maxkamad ku taal dalka Malta oo xukuntay Muwaadin Soomaali ah 27/02/2019 Dhageyso: Warka Fiidnimo ee Idaacada Warsan 16/01/2023 Al-Shabaab oo weeraray Saldhig ku yaalla Gudaha Kenya 05/01/2020 Pentagonka mareykanka oo iska fogeeysay eedeyn loo jeediyay 06/05/2020 Dhageyso:-Xaruunta Xubinta Ganacsiga Magaalda Baydhabo Wayriye Dhaayow, 20/07/2016 RW Rooble oo kulan ugu yeeray Guddiga Doorashooyinka Gobolada Waqooyi 03/08/2021 Fariintada Nogu soo dir E-mail Adres warsanradiobidoa@gmail.com warsannews@yahoo.com Leave a Comment Cancel Reply Save my name, email, and website in this browser for the next time I comment.