Ninka weeraray Salmaan Rushdi oo la aqoonsaday written by Warsan Radio 14/08/2022 Booliska Mareykanka ayaa sheegay iney aqoonsadeen ninkii galbeedka Magaalada New York ku weerayay Salmaan Rushdi iyo nin masraxa kula sugnaa.Ninkan oo ay boolisku magaciisu ku sheegeen Haadi Matar oo 24 jir ah wuxuu ku dhashay magaalada California balse dhawaan ayuu u soo wareegay gobolka New Jersey.Halkii ugu dambeeyey uu Haadi dagganaana wuxuu ahaa Fairview oo ka tirsan xaafadda Bergen ee magaalada Jersey.Ciidamo ka tirsan FBI-da waxay gudaha u galeen guriga uu Haadi degganaa si ay baaritaan dheeraad ah ugu sameeyaan.Boolisku waxay intaa ku dareen leysan darawal oo been abuur ah inuu Haadi ka qatay gobolka New Jersey magaca ugu qoranna uu yahay Xasan Mughniyeh.Taliyaha Booliska New York Eugene Stanicowski wuxuu warbaahinta u sheegay sababta weerarkaasi ka dambeysay inaan weli la ogaan.Xubin ka mid ah baarayaasha kiiskan gacanta ku haya oo u warramay warbaahinta NBC wuxuu sheegay dib u eegis hordhac ah oo lagu sameyey cinwannada Haadi uu ku lahaa baraha bulshada in lagu ogaaday inuu ka mid yahay Shiicada mayalka adagoo ee u jajnjeerta ilaalada kacaanka Iiraan. Ninka weeraray Salmaan Rushdi oo la aqoonsaday was last modified: August 14th, 2022 by Warsan Radio 0 comment 0 Facebook Twitter Google + Pinterest previous post Dagaal ka dhacay Gobolka Hiiraan & faah faahin laga helayo next post Dhimasho & dhaawac ka dhashay Shil ka dhacay Magaalada Hargeysa You may also like la-taliyeyahi Madaxweyha Kgs Dhaka Haweenka oo Lo Doortay xildhibaanada cusub 29/11/2021 Arlaadii Aid ayaa maanta Deeq Raashiin ah waxa uu u qeybiyay Dad Abaartu ay saameysay Arlaadi Aid, 16/06/2017 Akhriso:-Guddoomiye Mursal oo Muqdisho kula kulmay Xildhibaanada Koofur Galbeed ee ku kacsan Shariif Xasan 01/11/2018 AMISOM oo Agab kala duwan gaarsiisay dad Barakacayaal ah 12/08/2020 Dhageyso: Barnaamijka Dhacdooyinka Idaacada Warsan 12/06/2023 Dhageyso:-Warka Galabnimo ee Radio Warsan 10/04/2022 DHAGEEYSO:-WARKA FIIDNIMO EE IDAACADA WARSAN. 09/08/2019 Akhriso:-Madaxweyne Farmaajo oo la kulmay Saraakiisha dhalinyarada ee loo magacaabay Hoggaanada Ciidanka 27/03/2018 Dhageyso: Warka Galabnimo ee Idaacada Warsan 01/11/2022 Taliska Ciidanka Xooga Oo Si Rasmi Ah Ula Wareegay Gaadiid Gaashaaman Oo Turkiga Ugu Deeqay Soomaaliya “SAWIRRO” 29/08/2020 Fariintada Nogu soo dir E-mail Adres warsanradiobidoa@gmail.com warsannews@yahoo.com Leave a Comment Cancel Reply Save my name, email, and website in this browser for the next time I comment.