Ninka weeraray Salmaan Rushdi oo la aqoonsaday written by Warsan Radio 14/08/2022 Booliska Mareykanka ayaa sheegay iney aqoonsadeen ninkii galbeedka Magaalada New York ku weerayay Salmaan Rushdi iyo nin masraxa kula sugnaa.Ninkan oo ay boolisku magaciisu ku sheegeen Haadi Matar oo 24 jir ah wuxuu ku dhashay magaalada California balse dhawaan ayuu u soo wareegay gobolka New Jersey.Halkii ugu dambeeyey uu Haadi dagganaana wuxuu ahaa Fairview oo ka tirsan xaafadda Bergen ee magaalada Jersey.Ciidamo ka tirsan FBI-da waxay gudaha u galeen guriga uu Haadi degganaa si ay baaritaan dheeraad ah ugu sameeyaan.Boolisku waxay intaa ku dareen leysan darawal oo been abuur ah inuu Haadi ka qatay gobolka New Jersey magaca ugu qoranna uu yahay Xasan Mughniyeh.Taliyaha Booliska New York Eugene Stanicowski wuxuu warbaahinta u sheegay sababta weerarkaasi ka dambeysay inaan weli la ogaan.Xubin ka mid ah baarayaasha kiiskan gacanta ku haya oo u warramay warbaahinta NBC wuxuu sheegay dib u eegis hordhac ah oo lagu sameyey cinwannada Haadi uu ku lahaa baraha bulshada in lagu ogaaday inuu ka mid yahay Shiicada mayalka adagoo ee u jajnjeerta ilaalada kacaanka Iiraan. Ninka weeraray Salmaan Rushdi oo la aqoonsaday was last modified: August 14th, 2022 by Warsan Radio 0 comment 0 Facebook Twitter Google + Pinterest previous post Dagaal ka dhacay Gobolka Hiiraan & faah faahin laga helayo next post Dhimasho & dhaawac ka dhashay Shil ka dhacay Magaalada Hargeysa You may also like Muxuu Aadan Madoobe kala hadlay musharrixiinta Koonfur Galbeed? 28/12/2022 lacagaha diiwaangelinta musharrixiinta Guddoonka Golaha Shacabka & Madaxweynaha oo la kordhiyay 18/04/2022 Dhageyso:-Warka Duhur ee Radio Warsan 24/07/2022 Dhageyso:-Warka Duhur ee Idaacada Warsan 11/06/2020 Jabuuti iyo Kenya oo maanta ku kala baxaya loolanka kursiga golaha ammaanka Qaramada Midoobay 17/06/2020 Ciidamada Xoogga Dalka oo Kala Dhexgalay Maleeshiyaad Ku Dagaalamay Gobolka Hiiraan 08/06/2020 Dhageyso: Warka Fiidnimo ee Idaacada warsan 29/10/2022 Akhriso:-Xasan Sheekh oo guddoomiye kumeelgaar ah looga dhawaaqay Muqdisho 30/09/2018 Wasiir dowlaha Caafimaadka oo daah furtay ololaha tallaalka Dabaysha 27/05/2023 Mudo sanado ah ka dib, Iran iyo Imaaraadka oo dib u soo celinaya Xiriirkooda diblomaasiyadeed eeka dhaxeyey 22/08/2022 Fariintada Nogu soo dir E-mail Adres warsanradiobidoa@gmail.com warsannews@yahoo.com Leave a Comment Cancel Reply Save my name, email, and website in this browser for the next time I comment.