Sidee lagu soo qabtay Ninka loo heysto dilka Hibo Qaasim? written by Warsan Radio 18/08/2022 Taliska qeybta Galbeed ee Booliska Gobolka Banaadir ayaa howlgal ay sameeyeen waxaa ay ku guuleysteen inay gacanta ku dhigaan nin Habeen ka or degaanka Ceelasha biyaha ee duleedka magaalada muqdisho ku dilay Gabar kamid aheyd Ardayda sanadkaan ku baasay imtixaankii ay qaaday dowladda, taas oo lagu magacaabi jiray Hibo Qaasim Maxamed.Taliyaha qeybta Galbeed Ciidanka Booliska Gobolka Banaadir Yaasiin Ganeey ayaa sheegay in dabagal dheer oo ay sameeyeen ciidamada Booliska oo kaashanaya Maamulka degaanka Ceelasha Biyaha ay kusoo qabteen Ninka dilka geystay oo lagu Magacabo Jeylaani Aadan Abaadir.Taliyaha oo Warbaahinta la hadlay wuxuu sheegay in jeylaani uu Gabadha dilkeeda u adeegsaday tooreey, isaga oo ka qaadanayay Mobile ay wadatay, isla markaana dhaawac uu u geystay ay ugu geeriyootay Isbitaal la geeyay.Ugu dambeyn Taliyaha qeybta Galbeed Ciidanka Booliska Gobolka Banaadir Yaasiin Ganeey wuxuu sheegay in ninkaasi baartan kale oo dheeraad ah lagu sameyn doono, isla markaana ay u gudbinayaan Hay’adaha garsoorka dalka si sharciga lo horgeeyo.Shacabka Soomaaliyeed iyo Waalidiinta Hibo Qaasim ayaa aad uga naxay dilka degaanka Ceelasha Biyaha ee duleedka magaalada muqdisho loogu geystay Gabadha oo aheyd Ardayad da’yar oo sanadkan ka qalin jebineysay dugsiga Sare kana qeyb gashay imtixaankii ay qaadeysay dowladda Soomaaliya. Sidee lagu soo qabtay Ninka loo heysto dilka Hibo Qaasim? was last modified: August 18th, 2022 by Warsan Radio 0 comment 0 Facebook Twitter Google + Pinterest previous post Dhageyso:-Warka Subax ee Idaacada Warsan next post Dagaal ka dhacay Gobolka Galgaduud & khasaaro ka dhashay You may also like Dhageyso;- Warka Galabnnimo ee Idaacada Warsan 10/11/2022 Dagaal markale ka dhacay Laas-Caanood & Somaliland oo ka hadashay 07/02/2023 Farmaajo oo maanta khudbad ka hor-jeedinaya BF iyo R/W Rooble oo cod loo qaaday 23/09/2020 Madaxweynaha JFS: Si aan shisheeye inoo soo faragelin,waa in aan inagu leenahay go’aanka arrimaheena.+sawirro 19/09/2020 SAWIRRO: Wasiirka cusub ee wasaaradda dhalinyarada oo kulan soo dhaweyn ah la qaatey agaasimiyaasha wasaaradda 23/08/2022 Dhageyso;- Warka Duhurnnimo ee Idaacada Warsan 21/10/2022 Madaxweynaha Farmaajo oo Waraaqaha Aqoonsiga ka Guddoomay Danjireyaasha Midiwga Yurub Iyo Shiinaha 07/09/2021 Xasan Sheekh ”Aniga iyo Fahad Yaasin Wax Ajande Siyaasadeed kama hadlin.” 25/08/2020 Guddi loo saaray khasaaraha ka dhashay dagaalkii Dhuusamareeb 16/05/2022 Amarro adag oo lagu soo rogay Hay’adaha Caallamiga ah ee Soomaaliya 29/08/2018 Fariintada Nogu soo dir E-mail Adres warsanradiobidoa@gmail.com warsannews@yahoo.com Leave a Comment Cancel Reply Save my name, email, and website in this browser for the next time I comment.