Baydhabo-{WMN}- Guddoomiyaha Golaha Shacabka Baarlamanka 11aad ee Jamhuuriyadda Federaalka Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) oo maanta kulan gaar ah la qaatay Danjiraha Jaamacadda Carabta Arrimaha Soomaaliya Salah Elguneid waxa ay kawada hadleen cilaaqaadka labada dhinac.
Aadan Madoobe, Guddoomiyaha Golaha Shacabka BFS ayaa Danjire Saalax kala hadlay sidii Ururka Jaamacadda Carabka ee uu wakiilka uga yahay Soomaaliya ugu gudbin lahaa qorshaha lagu taageerayo Baarlamaanka.
Sida lagu muujiyay qoraal lasoo dhigay Barta Golaha Shacabka, Sheekh Aadan Maxamed Nuur waxa uu ballanqaaday in oo ka shaqeynayo xoojinta Iskaashiga labada dhinac, halka Safiir Saalax uu dhankeesa sheegay in Jaamacadda Carabta uu u gudbinayo sidii aqoon kororsi loogu sameyn lahaa Xildhibaannada Golaha Shacabka.
โGuddoomiyaha Golaha Shacabka Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa maanta hoygiisa ku qaabilay Safiirka Jaamacada carabta u qaabilsan Soomaaliya Amb. Salah Elguneid. Danjiraha ayaa marka hore Guddoomiyaha la wadaagay sida Jaamacada Carabta ay uga goโan tahay inay ka gacan siiyaan in xildhibaannadda Golaha Shacabka loo sameeyo aqoon kororsi, tababarada howl-wadeennadda Golaha Shacabka BJFS, arrimaha caafimaadka, iyo sidii iskaashi buuxa u dhexmari lahaa Golaha Shacabka iyo Baarlamaanka Carabtaโ ayaa lagu yiri qoraalka.
โGuddoomiyaha Golaha Shacabka Sheekh Aadan (Madoobe) ayaa boggaadiyay dedaalada Jaamacada Carabta ay ku taageerayso Golaha Shacabka Baarlamaanka JFS, kaas oo wax badan ka tari doona shaqada Golaha Shacabka, isagoo sidoo kale ahmiyad gaar ah siiyay adkeynta wada shaqeynta labada Baarlamaan iyo sidii wax badan loogu qaban lahaa abaaraha ku dhuftay qeybo ka mid ah dalkaโ ayaa lagu soo gabagabeeyay qoraalka.
Soomaaliya waxa ay Xubin buuxda ka tahay Ururka Jaamacadda Carabta iyada oo ku leh wakiilo si joogta ah uga qaybgala shirarka Ururkaas sida xalka xubno ay ku leedahay Baarlamaanka waddamada ku bahoobay Jaamacadda Carabta.