Baydhabo-{WMN}- Xisbiyada mucaaradka Soomaaliland ee Waddani iyo UCID ayaa maalinta berri qaadan doona go’aamo waa weyn oo ay sheegeen in ay kaga hortagayaan muddo kordhin loo sameeyo madaxweynaha Soomaaliland muuse biixi Biixi.
Guddoomiyaha xisbiga Ucid faysal Cali Waraabe oo maanta hadlay ayaa sheegay sheegay in go’aamadaasi noqon doonaan kuwo badbaado u ah Soomaaliland.
Dhinaca kale, waxa uu sheegay in muuse biixi Cabdi kala qeybiyay shacabka Soomaalialnd xilligana loo baahan yahay in loo midoobo sidii looga hortagi lahaa.
Wali waxaa khilaaf xoogan oo aan xal loo helin ka taagan doorashada Soomaaliand xisbiyadana mucaaradka ayaana ku cadaadinaya madaxweynaha talada haya in uu doorashada waqtigeeda ku qabto iyaga oo sheegay in muuse biixi damacsan yahay muddo kororsi.